4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 19, 2014
Xukuumada cusub oo Baarlamaanka la horgeynayo Maalinta Berri ah

Axad, Janaayo 19, 2014 (HOL) — Guddiyada joogtada ah ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho waxay ku go’aamiyeen in berri oo Isniin ah la horkeeno baarlamaanka xukuumadda cusub ee uu dhawaan soo dhisay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sh. Axmed Maxamed.

Kulanka oo ka dhacay xafiiska guddoonka baarlamaanka iyadoo uu shir guddoominayay guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa waxaa goobjoog ka ahaa ku-xigeenkiisa labaad Mahad Cabdalla Cawad iyo dhammaan guddoomiyeyaasha gudiyada joogtada ah ee baarlamaanka Soomaaliya.

“Guddiyada joogtada ah ee baarlamaanka waxay kulankoodii maanta ku go’aamiyeen in ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu berri horkeeno golaha baarlamaanka xukuumaddiisa iyo barnaamijka ay ku shaqeynayso, waxaana mudanayaashu ay soo akhrisn doonaan ajandaha xukuumadda muddo 24-saac ah,” ayuu yiri xoghayaha guud ee baarlamaanka, Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux oo kulanka kaddib la hadlay warbaahinta.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay labo ajadayaal kale oo ahaa is-waafajinta gudiyada joogta ah ee baarlamaanka iyo wasaaradaha uu dhawaan soo dhisay ra’iisul wasaaraha si ay u wada-shaqeeyaan iyo in xidhibaannadu waqtiga barnaamijka xukuumadda la horkeenayo baarlamaanka iyo maalinta uu baarlamaanka hor-imaanayo ra’iisul wasaaraha ay goobjoog ahaadaan.

“Maalinta Talaadada ah waxaa baarlamaanka hor-imaanaya ra’iisul wasaare C/weli Sheekh si uu u sharxo barnaamijka ay ku shaqeynayso xukuumadda uu dhawaan soo dhisay,”  ayuu mar kale yiri xoghayuhu.

Qodobka 69-aad ee dastuurka KMG ah, faraqaddiisa labaad xarafka D wuxuu qeexayaa in xildhibaannada baarlamaanka ay barnaamijka xukuumadda iyo ra’iisul wasaaraha kalsooni ku siin karaan cod gacan taag ee ah aqlibiyadda tirada guud golaha shacaka oo ah 50+1, markaasoo barnaamijka xukuumadda uu noqon karo mid meel-maray ama la diiday.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya