4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 19, 2014
Dadkii ku Waxyeeloobay dabkii Minnesota oo la caawinayo (Sawirro)


Axad, Janaayo 19, 2014 (HOL) — Kulan looga arrinsanayay sidii loo taageeri lahaa dadkii ku waxyeeloobay dab dhashay qarax ka dhacay guri ay dad Soomaaliyeed iyo qoomiyado kale deggenaayeen oo ku yaalla magaalada Minneapolis, iyadoo qaybta hoose ee guriga uu ku yaallay dukaan aad looga ganacsan jiray loona yaqaanay Utanga Halal Market oo bishan billwogeedii uu dab qabsaday.

Kulanka oo ka dhacay xarunta ururka isku-tagga jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minnesota ayaa waxaa kasoo qayb-galay culummaa’udiinka masaajidda, sharci-yaqaano, xubnaha u adeeega bulashada iyo qaar ka mid ah dadkii dhibaatadu gaartay.

Waxaa ugu horreeyn ka hadlay Shiikh C/salaam Shariif oo guddoomiye KMG ah ka ah guddi ay iska soo xuleen madaxda dagmada iyo Soomaalida xaafadaas, Cabdisalaan wuxuu sheegay in illaa hadda tirada dhimashadu ay marayso saddex qof oo labo Soomaali tahay, dadkii dhaawaca ahaa labo qof wali xaaladdoodu ay aad u liidato, intii soo bogsatayna uu dhib ka haysto deegaanka iyagoo gabi ahaanba aan haysan wax waraaqo aqoonsi ah ay oo ay guryo ku kireysan karaan, dadka qaarkood waxay u baahan yahiin adeeg gaar ah, waana inaan dagmada ka codsanaa in dadkaa wax loo qabto.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

“Waxaad moddaa awoodda aan hayno inay tahay mid aad u yar marka loo eego guddiyada aan doorannay iyo waxaan qabannay,” ayuu hadalkiisa ku billaabay Cabdirisaaq Biixi oo xaafadda dabku dhacay deggen kana mid ah dadka bulshada u adeega, isagoo sii hadlayana waxuu yiri; “Markii dhibta dhacday oo kaamitooyinka TV-yada waawaayn yaalleen waxaa inoo yimid dhammaan madaxda gobolka, kuwa degmada iyo hay’ado waawayn wixii ay ballan-qaadeen baan u baahan nahay inaan dabo-galno, halkan waxaa laga soo buuxiyay dhar dadkuna dhar kaliya uma baahna.

Qareen Soomaaliyeed oo lagu magacaabo, C/naasir C/llaahi kana hawlgala magaalada Minneapolis ayaa isaguna sharraxaad ka bixiyay wuxuu sharciga dalka Mareykanku ka qabo markii ay arrimahan oo kale dhacaan.

Cismaan Axmed Shiikh oo isna ah xubnaha guddiyada xaafadda ayaa isna sheegay in dar-dar xooggan la galiyo gargaarka dadka, wuxuuna xusay in guddigiisa illaa hadda ay dib u dajin u sameeyeen toddoba qof, labo qofna ay hadda meel u diyaarinayaan.

Ugu dambeyn, waxaa goobta ka hadlay Sheekh Cabdiraxmaan Shariif oo imam ka ah majidkii uu dabku khasaaraha u gaystay kaasoo illaa hada xiran wuxuuna dadka ku boorriyay in la isku ixsaan falo la isna gargaaro loona samro waxa dhacay, isgaoo sidoo kale dadka faray inay is kaalmaystaan waxna taraan dadkaa dhibaatadu ku dhacday.

Siyad Said Salah
[email protected]
Minneapolis, Minnesota