4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 19, 2014
Madaxweynaha oo Aqoonsiga ka guddoomay Safiirka cusub ee Japan


Axad, Janaayo 19, 2014 (HOL) — Maddaxweynaha Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamud ayaa maanta waraaqihii aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee dalka Japan u fariisanaya Soomaaliya, Tatsushi Terada.

Danjiraha Japan oo lagu magacaabo ayaa ka mahadceliyay sida loogu soo dhaweeyay Muqdisho, isla markaana looga guddoomay aqoonsiga safiirnimo ee Soomaaliya.

Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa sii hayaha xilka wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan. Safiirka ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Japan ay leeyihiin xiriir taariikhi ah, haddana Japan ay doonayso inay Soomaaliya ka caawiso amniga iyo dib u dhiska dalka.

“Japan waxay na tustay sida ay u tahay saaxiib ay ka go’an tahay inay ka dhabeyso ballan-qaadyadii horay loogu sameeyay shirkii qaaska ahaa ee bishii May sannadkii hore lagu qabtay Yokohama oo beesha caalamka tustay sida ay Japan door hoggaamineed uga qaadaneyso arrimaha Soomaaliya,” ayuu yiri madaxweynaha.

Sidoo kale, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadcelinayay dowladda Japan sida ay u danaynayso Soomaaliya iyo kaalmadooda dhanka amniga, dib-u-dhiska iyo kor u qaadidda tayada shaqaalaha dowladda oo ay saraakiil badan tababbar ku soo siiyay dalka Japan.

“Waxaan kaaga mahadcelinayaa booqashadaada aad Muqdisho ku timid iyo tallaabooyinkii ugu dambeeyay oo na-tusaya inaan doorkii beesha caalamka kusoo noqonay. Bacdamaa aan xasilinayno dalka oo aan horumar joogta ah ku tallaabsaneyno, waxaan rajeynayaa in dowladda Japan oo dhaqaalaheedu xoogan yahay ay dalkeenna maalgeshato oo shacabkeenna ay u horseeddo inay gaajada ka baxaan oo barwaaqo ay ku noolaadaan.”





Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya