Hiiraan Online
3/28/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Axad, Jan 19, 2014
Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo Maanta soo gaaray Gaalkacyo
Axad
, Janaayo 1
9
, 2014 (HOL) —
Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug waxaa goor dhow soo gaarey w
a
fdi ballaaran oo uu hoggaaminayo madaxweyne ku-xigeenka Puntland C/xakiim C/laahi Cumar (Camey).
W
a
fdiga madaxweyne ku-xigeenka waxaa ku jira qaar kamid ah isimmada sida weyn loo tix geliyo iyo waxgaradka gobolka Mudug; siyaasiyiin kasoo jeeda gobolka iyo saraakiil ciidan.
Boqollaal dadweyne ah oo ruxaya calammo iyo caleemo qoyan; mas'uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Mudug iyo kan degmada Gaalkacayo
; qaar kamid ah
odayaasha
iyo
waxgaradka gobolka ayaa wafdiga Mudane Camey kaga hortegey meel magaalada Gaalkacayo dhowr kiilo mitir waqooyiga kaga beegan.
Madaxweyne ku-xigeenka iyo w
a
fdigiisa ayaa saacadaha soo aadan ka duuli doona garoonka diyaaradaha ee magaalada Ga
alkacayo
iyaga oo ku wajahan xarunta maamulka Jubba e
e Kismaayo
. I
nta ay magaalada Gaalkacayo ku sugan yihiin, waxay kulammo la qaadan doono maamulka, wax-garadka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada gobolka Mudug.
Waa markii ugu horreysey ee C/xakiim C/laahi Camey uu magaalada Gaalkacayo soo gaaro tan iyo markii loo doortay madaxweyne ku-xigeenka Puntland [Janaayo 8, 2014].
Madaxweyn
e
C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa isna dhowaan lagu wadaa in uu booqasho ku tago gobolka Mudug, gaar ahaan magaalada xarunta ah ee Gaalkacayo.
Faah faahin ku saabsan booqashada madaxweyne ku-xigeenka Puntland ee degmada Gaalkacayo iyo sawirradaba dib ayaan idiinka soo gudbin doonnaa...
Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya
C/kariin Guuleed iyo Biixi oo ka Hadlay Heshiiskii ay wada Saxiixeen
1/19/2014 1:02 PM EST
Axad, Janaayo 19, 2014 (HOL) — Wasiirka amniga Qaranka dowladda Somalia, C/kariin Xuseen Guuleed iyo wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Maxamed Biixi Yoonis oo kala hoggaaminayay wafdiyadii dowladda Somalia iyo Somaliland ayaa ka warbixiyay heshiiskii ay maanta ku kala saxiixdeen magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga.
Booliska Somaliland oo xabsiga dhigay nin dhaawacay Shiikh caan ah
1/19/2014 12:01 PM EST
Axad, Janaayo 19, 2014 (HOL) — Booliiska Somaliland ayaa sheegay inay u taxaabeen xabsiga nin tooreey ku dhaawacay Sheekh Maxamed Haybe oo ka mid ah culummada Somaliland, xilli uu kasoo baxay habeen hore muxaadaro ku saabsanayd dhalashada Nebi Muxammed (NNKH) oo uu ka jeedinayay masaajid ku yaalla magaalada Hargeysa.
Haweeney Somali ah oo ku Dhimatay Qarax ka dhacay Afgaanistaan
1/19/2014 11:43 AM EST
Axad, Janaayo 19, 2014 (HOL) — Ugu yaraan 21-qof oo ay ku jiro haweeney Soomaali ah oo haysata dhalashada Mareykanka ayaa ka dhacya magaalada Kabul ee caasimadda dalka Afgaanistaan Jimcihii lasoo dhaafay sida ay sheegeen mas’uuliyiinta dowladda dalkaas.
Xukuumada cusub oo Baarlamaanka la horgeynayo Maalinta Berri ah
1/19/2014 9:52 AM EST
Axad, Janaayo 19, 2014 (HOL) — Guddiyada joogtada ah ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho waxay ku go’aamiyeen in berri oo Isniin ah la horkeeno baarlamaanka xukuumadda cusub ee uu dhawaan soo dhisay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sh. Axmed Maxamed.
Dowladda Somalia iyo Somaliland oo heshiis kala saxiixday (Sawirro)
1/19/2014 9:31 AM EST
Axad, Janaayo 19, 2014 (HOL) — Dowladda Somalia iyo Somaliland ayaa heshiis hordhac ah maanta ku kala saxiixday magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga, kaddib wadahadallo saddex maalmood qaatay oo ay halkaas ku yeesheen.
Prof. Cali Max'ed Geeddi oo lagu soo dhaweeyay Kismaayo (Sawirro)
1/19/2014 8:49 AM EST
Axad, Janaayo 19, 2014 (HOL) — Wafdi ballaaran oo uu horkacayo ra'isul wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof: Cali Max'ed Geedi ayaa maanta kasoo dagay garoonka diyaaraha magaalada Kismaayo, iyadoo wafdigan uu kasoo kicitimay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.
Dadkii ku Waxyeeloobay dabkii Minnesota oo la caawinayo (Sawirro)
1/19/2014 8:36 AM EST
Axad, Janaayo 19, 2014 (HOL) — Kulan looga arrinsanayay sidii loo taageeri lahaa dadkii ku waxyeeloobay dab dhashay qarax ka dhacay guri ay dad Soomaaliyeed iyo qoomiyado kale deggenaayeen oo ku yaalla magaalada Minneapolis, iyadoo qaybta hoose ee guriga uu ku yaallay dukaan aad looga ganacsan jiray loona yaqaanay Utanga Halal Market oo bishan billwogeedii uu dab qabsaday.
Dib u dhac ku yimid Wafdi ka socd Puntland oo Kismaayo ku socday
1/19/2014 8:35 AM EST
Axad, Janaayo 19, 2014 (HOL) — Waxaa dib-u-dhac uu ku yimid safar uu maanta ku tagi lahaa magaalada Kismaayo madaxweyne ku xigeenka Puntland, C/xakiim C/llaahi Cumar (Camey) iyo wafdi uu hoggaaminayo oo Gaalkacyo soo gaaray.
Madaxweynaha oo Aqoonsiga ka guddoomay Safiirka cusub ee Japan
1/19/2014 7:01 AM EST
Axad, Janaayo 19, 2014 (HOL) — Maddaxweynaha Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamud ayaa maanta waraaqihii aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee dalka Japan u fariisanaya Soomaaliya, Tatsushi Terada.
Burcadbadeedda Soomaaliya oo Afduub ku qabsaday Markab Ganacsi
1/19/2014 6:05 AM EST
Axad, Janaayo 19, 2014 (HOL) — Burcad badeedda Soomaalida ayaa markabkii ugu horeyey ku qafaashay xeebaha Soomaaliya tan iyo intii la guda galay sanadka cusub ee 2014, waxaana markabkan oo lagu magacaabo MV Marzooqah iyo shaqaalihii saarnaa uu iminka gacanta ugu jiraa kooxihii afduubtay.
Bandow lagu soo Rogay Magaalada Kismaayo iyo Ma’suul ka Hadlay
1/19/2014 6:01 AM EST
Axad, Janaayo 19, 2014 (HOL) — Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa maanta lagu soo rogay bandow, iyadoo la joojiyay gabi ahaan isku socodka gaadiidka, dadka iyo ganacsiga guud ee magaalada.
Wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya oo Maanta soo Xirmaya
1/19/2014 2:16 AM EST
Axad, Janaayo 19, 2014 (HOL) —Waxaa maanta lagu wadaa in uu soo idlaado wejiga saddexaad ee wada-hadalladii Soomaaliya iyo Somaliland dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay uga soconayey magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.
Weriye caan ah oo ka tirsanaa Telefishinka BBC-da oo geeriyoodey
1/19/2014 1:37 AM EST
Axad, Janaayo 19, 2014 (HOL) —Waxaa magaalada London ee xarunta dalka Ingiriiska ku geeriyoodey weriye caan ahaa oo ka tirsanaa BBC-da qaybta layska arko ee la hadasha caalamka.
Ganacsatada Puntland oo Baaq u Diray Madaxda Cusub (SAWIRRO)
1/19/2014 12:41 AM EST
Axad, Janaayo 19, 2014 (HOL) —Kulan ay isugu yimaadeen ganacsatada reer Puntland oo ka dhacay Rugta Ganacsiga iyo Wershedaha ee Puntland, ayaa waxaa si diirran loogu soo dhoweeyey islamarkaana hambalyo loogu diray madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka cusub ee Puntland.
Somali News
Renowned cleric escapes assassination attempt in Somaliland
-
HOL
1/19/2014 9:06 PM EST
A well known cleric in Somaliland Sheik Mohamed Haybe has escaped assassination attempt on Sunday, after a man with a dagger attacked him as the cleric came out of a mosque in the capital Hargeisa where he preached hundreds of worshipers during a ceremony to mark on the birth of Prophet Mohamed of Islam peace and mercy of Allah be upon him.
Somali president receives credentials from Japanese ambassador
-
HOL
1/19/2014 8:42 PM EST
The president of the federal republic of Somalia Hassan Sheik Mahmoud and the outgoing foreign minister Fowzia Yusuf Hajji met with the new Japanese ambassador to Somalia at the presidential palace in Mogadishu on Sundaywhere President Mahmoud received credential letters from Mr. Tatsushi Terade, as Japanese ambassador to the country.
Djibouti Signs Trade and Economic Deal with China
-
Zegabi
1/19/2014 1:47 PM EST
The governments of China and Djibouti have entered into another trade and economic agreement, which is expected to further strengthen the bilateral relationship between the two nations.
U.S. troops boost forces in Nigeria, Somalia
-
GIN
1/19/2014 1:41 PM EST
U.S. forces, winding down in Afghanistan, are finding new battlefronts in Africa.
Not pirates but Eritrean forces board ship in Red Sea: officials
-
Reuters
1/19/2014 10:06 AM EST
It was not immediately clear why forces boarded the ship, MV Marzooqah, after the crew initially reported the takeover as a pirate attack.
Pirates seize first ship in Somali area since 2012
-
Reuters
1/19/2014 3:53 AM EST
NAIROBI, Jan 19 (Reuters) - Pirates have seized a merchant ship in the Red Sea and have taken it south towards Somali waters in the first successful hijacking in the region since 2012, maritime officials said on Sunday.
Kenya: Dead body found in car as JKIA 'blast' causes panic
-
The Star
1/19/2014 1:39 AM EST
Police found the dead body of a man of Somali descent with bullet wounds and an improvised explosive device inside a bullet-riddle car in Nairobi’s Shauri Moyo estate shopping centre.
CAF slates Somali referees for Yanga, Komorozine tie
-
IPP Media
1/19/2014 1:27 AM EST
The Confederation of African Football (CAF) has selected referees from Somalia to officiate the African club championship match between Young Africans ‘Yanga’ and Komorozine Sports of Comoro.
Somali-American among the Afghan restaurant attack that killed 21 people
-
AP
1/19/2014 1:19 AM EST
KABUL, Afghanistan — A Taliban attack against a popular Kabul restaurant killed 21 people, authorities said Saturday, making it the deadliest single attack against foreign civilians in the course of a nearly 13-year U.S.-led war there now approaching its end.
US dropping case against Somali accused of piracy
-
AP
1/19/2014 1:10 AM EST
Federal prosecutors are dropping their case against a Somali translator accused of being a pirate and playing an illegal role in the hostage siege aboard a Danish merchant ship off the coast of Somalia in 2008.