4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 19, 2014
Wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya oo Maanta soo Xirmaya
Axad, Janaayo 19, 2014 (HOL) —Waxaa maanta lagu wadaa in uu soo idlaado wejiga saddexaad ee wada-hadalladii Soomaaliya iyo Somaliland dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay uga soconayey magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Ajandeyaasha wejiga saddexaad ee wada-hadalka waxaa ugu mihiimsanaa: qiimeynta waxa ka hirgalay qodobbo ay labada dhinac horay ugu heshiiyeen iyo weliba sidii la isula jeexi lahaa tubta loo raacayo wada-hadalka iyo qodobada laga arrinsan doono mustaqbalka dhow.

Ergooyinka labada dhinac uga qayb gelaya shirarka ka socda Istanbul waxaa kala hoggaaminaya wasiirka amniga qaranka ee Soomaaliya C/xakiim Xuseen Guuleed iyo weliba wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland Maxamed Biixi Yoonis.

C/xakiim Xuseen Guuleed oo la hadlay warbaahinta caalamiga ah ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey wada-hadallada, isagoo tilmaamay in dhankooda ay ka go'an tahay inay tanaasul badan sameeyaan.

Dhanka kale, Maxamed Biixi Yoonis ayaa sheegay in waxyaabo badan laysku afgartay haseyeeshee qadiyadda gooni isu-taagga Somaliland ay tahay mid aan miiska saarneyn taas oo marna aan gorgortan laga geli doonin.

Dadka Soomaaliyeed iyo kuwa Somaliland ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay wada-hadallada u socda Somaliland iyo Soomaaliya oo soo bilowday xilligii ay dalka ka jirtey dowladdii kumeel gaarka ahayd ee uu hoggaaminayey Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed.

Gelinka dambe ee maanta ayaa lagu wadaa in lasoo saaro war-murtiyeed ka hadlaya qodobada ay labada dhinac ku heshiiyeen. Wixii ka soo kordha dib ayaan idiinka soo gudbin doonnaa haddii uu Eebe ogolaado.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya