4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 18, 2014
Shacabka Jubbooyinka oo Aragtiyo kala ka bixiyay Golaha Wasiirada


Sabti, Janaayo 18, 2014 (HOL) — Tan iyo wixii ka danbeeyay markii ra’isul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane C/weli Sheekh Axmed uu ku dhawaaqay golihii cusub ee wasiirada ayaa waxa isa soo tarayay aragtiyo kala duwan oo ay shacabka Soomaaliyeed ka dhiibanayeen Tirada wasiirada cusub ee lagu dhawaaqay, iyadoo qaar kamid ah dadka ay soo dhaweeyeen halka qaar kalena ay dhaliileen.

Qaar kamid ah shacabka ku dhaqan degmada Kismaayo oo isugu jiray Salaadiin, aqoonyahanno iyo guud ahaan qeybaha kala duwan ee bulshada oo shabakadda HOL ay wax ka weeydiisay aragtidooda ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay golaha wasiirada cusub ee dowladda Soomaaliya.

Xildhibaan Hore Cabdi Barre oo ka mid ah siyaasiyiinta ku dhaqan Jubooyinka ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo golahan cusub ee wasiirada, isagoo sheegay in qaabka loo soo xulay ay tahay qaab wanaagsan islamarkaana ay madaxda dowladda xalka u arkeen.

“Anigu waan ku faraxsanahay habka loo dhisay golaha wasiirada, waqti xaadirkanna ma taageeri karo xubnaha la magacaabay  kamana soo horjeedo balse marka aan aragno waxqabadkooda ayaan ka hadli doonnaa,” ayuu yiri masuulkan.

Siyaasi C/laahi Dheere oo isna aragtidiisa ka hadlay ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo golaha wasiirada cusub ee Soomaaliya ee manta lagu dhawaaqay, wuxuuna sheegay in habka loo soo xulay ay tahay hab wanaagsan.

“Anigu ma taageersani golaha cusub ee wasiirada Soomaaliya, laba arin ayaanan ku taageersanayn, tan koobaad waxa weeye waxa lasoo celiyay wasiiro ku jiray xukuumaddi hore oo  aan aragnay waxqabadkeeda, tan labaad waxa aad loo badiyay tirade wasiirada oo laga dhigay 55,” ayuu yiri Cali Cabdi Abshir oo isna kamid ah waxgaradka ku dhaqan Jubooyinka.

Suldaan C/casiis Afgaduud ayaa isna sheegay in wasiirada xukuumaddii hore ay ahayd mid hal wasiir uu isku hayay dhowr wasaaradood, wuxuuna sheegay in hadda habkaasi wax laga badalay oo wasaarad waliba uu wasiirkeeda matalayo, wuxuuna tilmaamay in nidaamkani uu yahay mid aad u wanagsan islamarkaana wax weyn ka taraya Soomaaliya.

Xildhibaan Hore Nuur Ugaas oo isna kamid ahaa dadkii aan maanta aragtidooda wax ka weeydiinnay ayaa sheegay in nidaamka uu ra’isul wasaare C/weli u dhisay wasiirada ay tahay hab wanaagsan isagoo amaanay xubnaha cusub ee golaha wasiirada oo uu ku tilmaamay in ay yihiin aqoonyahanno wax badan ka og marxaladda ay imika ku sugantahay Soomaaliya.

Siyaasi Bile C/dille Cabdi oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in uu soo dhawynayo golaha wasiirada cusub ee Soomaaliya ee lagu dhawaaqay, isagoo sheegay in dhamaan beelaha Soomaaliyeed ay ka dhex muuqdaan golahan cusub ee wasiirada islamarkaana dadka lasoo xulay ay yihiin aqoonyahanno uu sheegay in ay dhibaatada ka saari karaan umadda Soomaaliyeed.

Ra’isul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/weli Sheekh Axmed ayaa dhawaan ku dhawaaqay golihiisa cusub ee wasiirada oo ay tiradoodu ahayd 25 wasiirro, 25 wasiirro ku xigeen iyo 5 wasiiru dowleyaal.



Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya