4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 18, 2014
Wasiir ku Xigeen Shaaciyay in uu iska Casilay Xilka loo Magacaabay`

Sabti, Janaayo 18, 2014 (HOL) — Mas’uulkii labaad oo ka tirsan wasiirrada cusub ee xukuumadda Somalia ayaa shalay gellinkii dambe ku dhawaaqay inuu iska casilay xilka loo magacaabay oo ah wasiir ku xigeen.

Xildhibaan C/kaafi Macallin Xasan ayaa sheegay inuu iska casilay xilka wasiir ku xigeenka wasaaradda Tamarta iyo Biyaha Soomaaliya, kaddib markii uu la tashaday odayaal ay isku hayb yihiin oo sheegay inaysan qaadanayn xil wasiir ku xigeen.

“Waxaan ku dhawaaqayaa maanta (Jimce) inaan iska casilay xilkii wasiir ku xigeenka ahaa ee la ii magacaabay, waxaana halkan ka caddeynayaa inay dalka ka billaabatay is-kooxeysi, nin jeclaysi iyo cadaalad-darro, taasoo ku celin karta dalka dhibaatadii uu kasoo gudbay,” ayuu xildhihbaanku shirkiisa jaraa’id ku sheegay.

Goobta uu is-casilaadda kaga dhawaaqay xildhibaanka ayaa waxaa goob-joog ka ahaa odayaal, siyaasiyiin iyo xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, isagoo noqonaya mas’uulkii labaad oo muddo saacado ah ka tanaasula xil wasiir ku xigeen oo loo magacaabay.

Iscasilaaddan ayaa waxay kusoo beegmaysaa xilli uu isna shalay si cad u sheegay guddoomiyaha gobolka Banaadir, Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) inuusan diyaar u ahayn inuu qabto xilka wasiir ku xigeenka dhallinyarada iyo isboortiga oo loo magacaabay.

Mudane Tarsan ayaa sabab uga dhigay ku dhawaaqista go’aankiisa inaan lagala tashan in xilkan loo magacaabo iyo in kale, sidaa daraadeedna uu go’aansaday inuu ku dhawaaqo tanaasulkiisa.

Ra’iisul waasaraha Soomaaliya, C/weli Maxamed Axmed ayaa habeen hore xilli dambe ku dhawaaqay golihiis wasiirrada oo ka kooban 55-xubnood oo isugu jira wasiirro, wasiir ku xigeenno iyo wasiir u dowlayaal.

Weli ra’iisul wasaaruhu kama uusan hadlin is-casilaadda ay ku dhawaaqeen labada xubnood ee golihiisa cusub ee wasiirrada ka tirsan, iyadoo sidoo kale aan la ogeyn saameynta ay ku yeelan karno xukuumadda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya