4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 11, 2014
Dowladda Somaila oo Hargaysa u dirtay Somali laga keenay K/Sudan

Sabti, Janaayo 11, 2014 (HOL) — War ka soo baxay wasaaradda arimaha gudaha ee dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in  gobolladii ay u dhasheen  dib loogu celiyay tiro Soomaali ah  oo dhawaan dowladda ay ka keentay caasimadda Koonfurta Suudaan ee Jubba oo colaado darani ay ka socdeen.

“Illaa iyo 10 qof ayaan  u amba bixinay magaalada Hargeysa ee gobollada waqooyi ee dalka, kuwaasi waxay ka mid ahaayeen tiro dad ah oo dhawaan ay dowalddu ka soo qaadday dalka Koonfurta Suudaan”ayuu yiri Cali Abtidoon Xalane oo ah sii haya xilka agaasimaha guud ee wasaaradda arimaha gudaha ee Somaaliya.

Waxaa kaloo uu Xalane sheegay in dadka loo diray Hargaysa markii la keenay Muqdisho la dajiyay Hoteelo ay ku nastaan ,isla markaana ay jiraan kuwa kale oo dhawaan ,iyagana lagu celin doono gobolladii ay u dhasheen ama eheladooda ay daganyihiin si howlahoodi ganacsi ay dib ugu bilaaban.

“Dadka la saaray diyaaradda ee loo diray Hargaysa waa wajigii kowaad, waana ay inoo qorshaysantahay in inta dhiman maalmaha soo socda la amba baxiyo “ayuu hadalkiisa ku daray Cali ,isagoo xusay in dadkan ay dhibaatooyin fara badan kala soo kulmeen Jubba.

Waxaa kaloo masuulkan uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay dadaal badan ku bixin doonto sidii kuwa ku harsan qaybo kamid ah Koonfurta Suudaan loo keeni lahaa dalkooda,waxaana uu soo hadal qaaday Soomaali wali ku xayirin xuduudaha uu dalkaas la wadaago wadamada Itoobiya iyo Uganda.

Dadka ay dowladda Soomaaliya ka keentay Koonfurta Suudaan oo u badnaa ganacsato ayaa mar horeba sii bilaabay in ay dib ula midoobaan qoysaskoodi oo waqtiyo hore ay isugu danbaysay ,waaana marki ugu horreysay oo dowlad Soomaaliyeed ay arintan oo kale samayso tan iyo intii  la guda galay bur-burka.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]