4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 11, 2014
Baarlamaanka oo Meel-mariyay Codsi uga yimid Ra’iisul Wasaaraha

Sabti, Janaayo 11, 2014 (HOL) — Baarlaamaanka Soomaaliya ayaa meel-mariyay maanta codsi uga yimid ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo ahaa in muddo 10-casho ah fursad loo siiyo soo dhisidda xukuumadda, maadaama uu baarlamaanku maanta geli lahaa fasax.

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa furitaankii kulanka u akhriyay xubnaha baarlamaanka qoraal ka yimid xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed kaasoo lagu dalbanayay in baarlaamanka uu muddo toban maalmood ah sii shaqeeyo.

“Xafiiska ra’iisul wasaaraha waxaa naga soo gaartay warqad lagu dalbanayo in muddo 10-casho ah uu sii shaqeeyo baarlamaanka si ay u ansixiyaan golaha wasiirrada ee lasoo dhisayo, taasna go’aankeeda waa mid aad idinku leedihiin,” ayuu guddoomiyuhu kulanka ka sheegay.

Sidoo kale, guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa xildhibaanada u fasaxay inay ka doodaan arrintan, iyadoo xildhibaanno badan oo hadlay ay qaarkood aad uga soo horjeesteen codsigan, halka kuwo kalena ay sheegeen inuu yahay mid tixgelin mudan.

Doodda kaddib waxaa codsiga ra’iisul wasaaraha Soomaaliya la geliyay cod iyadoo si aqlabiyad ah ku meel-mariyeen xildhibannadii kulanka joogay, waxaana ogolaatay 142 mudane oo ka mid ahaa 145-mudane oo codeeyay.

Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa ku dhawaaqay natiijada isagoo sheegay in baarlamaanka uu sii shaqeynayo muddo 10-maalmood ah, ayna ka aamuseen codeyntan saddex mudane oo keliya, iyadoo aysan jirin cid didday.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa looga fadhiyaan in muddadaas 10-ka maalmood ah uu xukuumaddiisa ku hor-geeyo baarlamaanka si codka kalsoonida loogu qaado.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya