4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 11, 2014
Gudoomiyihii Gobolka Tog-dheer oo ka War-bixiyay Is-casilaaddiisa

Sabti, Janaayo 11, 2014 (HOL) — Guddoomiyihii gobolka Togdheer Axmed Cumar Xaaji (Xamarji), ayaa sheegay inuu  waraaqdii  iscasiiladiisa u gudbiyey madaxweynaha, isla markaana uu madaxweynaha ka war sugayo.

Guddoomiye Xamarje ayaa shalay inta aanu madaxweynuhu u safrin dalka Itoobiya u gudbiyey  iscasiladaasi, inkastoo madaxweynuhu wali ka aqbalin, balse la sugayo inuu ka u jawaabo marka uu dalka ku soo laabto.

“Bishan tobankeeddii ayaan madaxweynaha u qoray codsi ay ixtiraam , qadarin iyo xishood badani ku dheehan yahay inuu aan iska casilay xilkii aan xukuumadda u hayey ee badhasaabka gobolka Togdheer arrimo aniga ii gaar ah, cid kalana uu shaqadaydii u diro”ayuu yidhi badhasaabka gobolka Togdheer Xamarji oo warbaahinta u xaqiijinayey iscasilaadaasi uu dalbaday.

“Wax dhibaato ahi ma jirto aniguna muddo badan ayaan soo shaqaynayey  intaas aan shaqaynayeyna xaaladahaygii yo duruuftaydii ii gaarka ahayd  ayaan ugu baahday inaan is casilo , waxaanan beeninayaa wax alle wixii kale ee mala awaal ah ee warbaahinta la mariyey  inay waxba kama jiraan tahay  is casilaadayduna waa inta aan qortay oo kaliya ,jawaabtana madaxweynaha ayaan ka sugayaa”ayuu raaciyey hadalkiisa.

Inkastoo uu is-casiladaasi ku koobay arrimo u gaar ah, hadana wararka qaar ayaa sheegaya in shaqadaasi uu ka tagayo salka ku hayso murano iyo khilaaf ka jira maamulka gobolka Togdheer, isla markaana dhowaan ay ka  dhaceen mudaharaado rabashado wato oo hal qof ku geeriyooday.

Axmed Xamarji ayaa hore badhasaab  uga ahaa gobolka Hargeysa ka hor inta aan Togdheer loo bedelin, waxaana jirtay in isagoo badhasaab ah lagu eedeeyey arrimo musuqmaasuq, isla markaana xabsiga loo taxaabay, inkastoo markii dambe maxkamaddi ku wayday dambigaasi oo madaxweynuhu  dib ugu celiyey badhasaabkii hore ee uu ahaa.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland