4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 11, 2014
Mas’uuliyiinta Maamulka KMG Jubba oo booqday Xarumo Muhiim ah


Sabti, Janaayo 11, 2014 (HOL) — Wafdigan oo uu horkacayay madaxweeyne kuxigeenka labaad ee maamulka Jubba Mudane C/qaadir Maxamed (Luga-dheere) isla markaana ay wehlinayeen xubno ka tirsan golaha wasiirada maamulka Jubba ayaa maanta booqday xaruntii hore ee Caymiska oo burburkii dowladii hore ee Soomaaliya kadib ay daganaayeen dad rayid ah, balse dhawaan laga saaray.

Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha ee maamulka Jubba Axmed Cabdi Xafiid Max’ed ayaa wafdiga madaxweeyne kuxigeenka u sheegay in xaruntan ay daganaayeen dad rayid ah, kuwaasoo deegaan ka dhigtay kadib markii ay burburtay dowladii hore ee Soomaaliya, balse waxa uu sheegay in dhawaan ay ku guuleysteen in ay ka saaraan.

Intaa kadib ayaa waxaa goobta ka hadlay Madaxweeyne kuxigeenka labaad Suldaan C/qaadir Lugadheere waxa uuna sheegay in howsha dib u dhiska xaruntani ay furantahay, isagoona intaa kadib daahfuray howsha dayactirka xaruntii hore ee caymiska.

Sidoo kale waxaa goobta ka hadalay Wasiirka arimaha bulshada Macalim Max’ed oo isna sheegay in xaruntani uu ku shaqeyn doono maamulka cusub ee Jubba, islamarkaana lagu sameyn doono dayactir.

Intaa kadib ayaa wafdigii uu hogaaminayay madaxweeyne kuxigeenka labaad waxa ay booqdeen isbitalka guud ee magaalada Kismaayo, waxaana halkaasi kusoo dhaweeyay dhaqaatiirta isbitalka, iyadoona wafdi uu soo booqday guud ahaan qeybaha kala duwan ee uu ka koobanyahay isbitalka.

Booqashada kadib ayaa waxa wafdiga faaahfaahin ka siiyay howlaha isbitalka Agaasimaha guud ee isbitalka Kismaayo Dr. C/samad, kaasoo sheegay in isbitalka ay imika gacanta ku hayaan hay’ado caalami ah, islamarkaana uu helay dayactir iyo dawooyin ku filan.

Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay wasiirka caafimaadka iyo fayadhowrka Mudane Xasan Daahir Yaroow, kaasoo sheegay in isbitalkan uu yahay mid weyn islamarkaana la geeyo bukaano ka kala yimaada guud ahaan Jubooyinka.

Gabagabadii ayaa waxa goobta ka hadlay madaxweeyne kuxigeenka labaad ee Jubba Suldaan C/qaadir Lugadheere waxa uuna mahadcelin u jeediyay howlwadeenada isbitalka Kismaayo, oo uu xusay in ay ku soo shaqeeyeen marxalado adag.



Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya