4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 11, 2014
Dib u dhis lagu sameynayo Aargada ay caanka ku tahay Beledweyne


Sabti, Janaayo 11, 2014 (HOL) — Tan iyo wixii ka danbeeyay weerarka Ismiidaaminta ahaa ee 19-kii bishii November ee sanadkii ina dhaafay lagu qaaday saldhiga booliiska magaalada Beledweyne, waxaa soconaya dib u dhis lagu sameynayo Aargada magaalada  oo ku bur burtay weerarka Ismiidaminta ahaa.

Weerarka xiligaan dhacay oo ahaa mid loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qaraxa ayaa bur buriyay Aargada oo dhamaanteed dhulka kusoo dhacday, kadib markii uu ku hoos qarxay gaariga lagu weeraray saldhiga booliiska.

Qaraxa ayaa sidoo kale waqtigaa bur bur xoog leh gaarsiiyay dhamaan dhismayaashii ag-dhawaan saldhiga oo uu ka mid yahay isbitaalka guud ee magaalada oo qeybo ka mid ah wali ka muuqdaan raadkii uu ku reebay qaraxa.

Maamulka gobolka Hiiraan iyo bulshada ku dhaqan magaalada ayaa u istaagay siddii ay mar kale dib u dhis ugu sameyn lahaayeen Aargada oo ah astaan ay caan ku tahay magaalada Beledweyne, iyadoo mas’uuliyiinta maamulka gobolka sheegeen in dhismahan cusub uu noqon doono mid muuqaal ahaan iyo tayo ahaan intaba ka duwan tii hore.

Wadada hor marta saldhiga magaalada Beledweyne hadda ma jiraan wax gadiid ah oo isticmaala madaama uu ka socdo dhismaha Aargada oo fillayo in si dhaqse ah loo soo gabagabeeyo.

Gadiidka dad-weynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahay ayaa hadda wada isticmaala hal waddo  oo dhaxmarta suuq aad u ciriiri badan, taasoo mar marka qaar sababta in mudo dheer gadiidku ku qaadato isaga gudubka wadadaas, inkastoo ay jiraan jidad kale oo ay adeegsadaan gadiidka xamuulka qaada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya