4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 11, 2014
Mareykanka oo sheegay inay Ciidammo ka joogaan gudaha Soomaaliya

Sabti, Janaayo 11, 2014 (HOL) — Saraakiil Mareykan ah oo u wareysiyo siiyay wargeyska Washitgong Post ayaa sheegay in ciidammo Mareykan ah ay ku sugan yihiin gudaha Soomaaliya, waana markii ugu horreysay oo Mareykanku uu sheego inay ciidammo kaga sugan yihiin Soomaaliya.

Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in unugyo ka tirsan ciidamadooda ay ku sugan yihiin Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho, kuwaasoo shaqadooda tahay inay ka shaqeeyaan isku xirka howlgalada ciidamada ka socda Midowga Afrika ee AMISOM iyo kuwa dowladda ay kula jiraan kooxda Al-shabaab oo qaybo Soomaaliya ka mid ah gacanta ku hays.

“Mareykanka wuxuu Soomaaliya u diray ciidammo la shaqeeya ciidamada sida wadajir ah ula dagaalamaya Al-shabaab, waxaana u jeedku uu yahay inay siiyaan ciidamada AMISOM iyo kuwa Somalia talooyin dhanka malitariga ah, si horumar looga gaaro nabadgalyada Soomaaliya,” ayuu yiri afhyeenka ciidamada Mareykanka ee Afrika ku sugan, Colonel Tom Davis.

Goor sii horreysay ayay saraakiil ka tirsan wasaarada difaaca Mareykanka waxay Tv-ga Al-Jazeera u sheegeen in shan sarkaal oo Mareykan ah ay ku sugan yihiin Muqdisho, iyagoo arrintaas ku sheegay qorshe uu Mareyknaka ka qayb-qaadanayo soo celinta nabadda dalka Soomaaliya.

Ciidamada AMISOM ayaa dowladda Somalia ka caawiya dagaalka ay kula jiraan xoogagga Al-shabaab, iyadoo saddexdii sano ee lasoo dhaafay laga qabsaday kooxda dhul ballaaran oo ay ka talinaysay.

Hadalkan kasoo baxay saraakiisha ka tirsan Mareykanka ayaa wuxuu ka dhigan yahay in Mareykanka uu markii ugu horreysay tan iyo 1993-kii ciidammo milatarigiisa ka tirsan u soo diray Soomaaliya si ay uga qaybqaataan xasilinta dalka ku yaalla Geeska Afrika.

Ma jiro cid kale oo arrintan xaqiijinaysa, iyadoo la xusuusto in Mareykanka uu dhowr jeer howgallo qorsheysan ku qaaday xubno ka tirsan Al-shabaab oo qaarkood ku dhintay howgalladaas, halka kuwo kalena ay ka baxsadeen.

Inkastoo Al-shabaab ay weli falal isugu jira qaraxyo iyo dilal qorsheysan ka fuliso Muqdisho, hadda ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa bilowgii sannadkan cusub ku dhawaaqay inay howgallo ka billlaabi doonaan goobaha ay weli gacanta ku hayso Al-shabaab.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya