4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 11, 2014
Dowlada oo ka hadashay go’aankii Al-shabaab kana digtay in la fuliyo


Sabti, Janaayo 11, 2014 (HOL) — Sii hayaha xilka wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, C/kariin Xuseen Gulleed ayaa cambaareeyey go'aankii Al-shabaab ay ku joojisay internet-ka isla markaana uga digay shirkadaha bixiya adeegyadan inay la shaqeeyaan argagaxisada oo ay amarkaas fuliyaan.

Al-shabaab ayaa dhawaan go’aan ay soo saartay ku sheegtay inay adeegga Internet-ka ee laga isticmaalo taleefoonnada iyo kan Fiber Optic-ga ah ay ka joojinayso deegaannada ay ka taliso, iyadoo muddo 15 casho ah ah qabatay shirkadaha adeegyadan.

"Dowladda Soomaaliya waxay sida ugu adag u cambaareyneysaa falkan oo ah mid muujinaya sida kooxaha argagaxisada ah ay argagax ugu ridayaan shacabka oo ay ka hor istaagayaan isticmaalka internet-ka. Dastuurkeenna ayaa qoraya in xoriyadda hadalka ay lama taabtaan tahay oo shacabku ay xaq u leeyihiin inay macluumaadka iyo wararka ku helaan iyagoo aan wax cabsi ah qabin,” ayuu yiri Guuleed.

Sidoo kale, wasiirka oo sii hadlay ayaa yiri: "Kooxda Al-shabaab waxaa laga qabsaday magaalooyinka waaweyn intooda badan waxayna kusoo urureen inay hanjabaado iyo argagax geliyaan shacabka oo ay hadda rabaan inay ka mamnuucaan internet-ka. Al-shabaab hadday doonayaan inay falal dambiyo caalami ah ay ka fuliyaan dalka dowladdu waxay leedahay mala aqbali karo in kooxaha argagaxisada ay fursad u helaan inay dalka gudihiisa ku fuliyaan danbiyo caalami ah. Sidaas daraadeed, sida ugu adag ayaan uga soo hor-jeednaa go’aankaas, wararka noocan ahna waxay nagu sii dhiirri-gelinayaan inaan xoojinno dagaalka lagula jiro."

Wasiirka ayaa sheegay in shacabku ay u isticmaalaan internet-ka inay wax ka bartaan, isla markaana ay kula xiriiraan eheladooda caalamka kala jooga iyo inay akhbaarta caalamka ka helaan. Ma aqbali karno in shacabkayaga laga joojiyo internet-ka oo muhiim u ah.

"Dowladda Soomaaliya waxay la shaqeyn doontaa dhammaan shirkadaha isgaarsiinta si loo hubiyo inay adeegyada internet-ka iyo howlaha kale ee isgaarsiinta ay gaarsiiyaan shacabka Soomaaliyeed. Shirkadaha isgaarsiinta waxaan uga digaynaa inay la shaqeeyaan kooxaha argagaxisada ah oo ay amarradooda dhageystaan," ayuu wasiirku hadalkiisa ku daray.

Guuleed ayaa intaas ku daray in warbaahinta ay mas'uuliyadi ka saran tahay inaysan faafin wararka dacaayadaha ah ee ay kooxaha argagaxisada ahi soo saaraan. Warbaahintu waa inay u istaagtaa danaha shacabka Soomaaliyeed si ay u helaan adeegyada warbaahineed iyo internet-ka oo ah xuquuq ay shacabku leeyihiin. Warbaahintu waa inaysan kaalmeyn kooxaha nabadda kasoo horjeeda, waxaana ka filaynaa warbaahinta inay noqdaan codkii ay u hadlayeen shacabka.

Sidaas daraadeed, waxaan ku boorineynaa shirkadaha isgaarsiinta, inaysan aqbalin awaamiirta iyo hanjabaadaha kooxaha argagaxisada oo aysan ka joojin shacabka adeegyada internet-ka. Shirkadii lagu helo inay taageereyso kooxaha argagaxisada ah waxaa laga qaadayaa tallaabo sharci ah.

Ugu dambeyn, sii hayaha xilka wasiirka arrimaha gudaha ayaa warka uu soo saaray ku sheegay in cadowga kaliya ee shacabku leeyihiin ay tahay kooxda Al-shabaab. Sidaas daraadeed, waxaa mas'uuliyadi naga saaran tahay inaan shacabka ka badbaadino hanjabaadaha ka imanay kooxaha argagaxisada ah.

Wasiirka ayaa hadalkiisa kusoo gunaanaday, in danta Al-shabaab ay tahay in shacabka ay aamusiyaan, isla markaana ay baadaan shirkadaha isgaarsiinta si ay u helaan dhaqaalaha ay aadka ugu baahan yihiin. Xukuuumadduna way xoojineysaa dagaalka lagula jira kooxahan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya