4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 11, 2014
Soomaali ku Geeriyootay Shil Gaari oo ka dhacay Dalka Mareykanka


Sawirka gaarigii ay ku geeriyoodeen afar Soomaali ah, shil ka dhacay magalada Clermont ee gobolka Iowa. Fayette County Sheriff's Office/Special to the Reg


Sabti, Janaayo 11, 2014 (HOL) — ALLAHA u naxariistee qoys ka koobanaa afar ruux oo Soomaali ah ayaa shalay ku geeriyooday shil gaari oo ka dhacay magaaladda Clermont ee gobolka Iowa ee dalka Mareykanka, kaddib  markii gaarigii ay wateen uu ku dhacay gaari kale oo nuuca xamuulka ahaa.

Sida uu sheegay booliska degmada Fayatte ee magaaladda Clermont Allaha u naxariistee  Shariif Xuseen Warsame oo ahaa darawalkii dadka geeriyooday ayaa jidka ku celin waayay gaariga, isagoo kaddibna ku dhacay gaariga kale, waxaana la geeriyooday hooyadiis Khadiija Maxamed,  iyo habaryarihiis oo kala ahaa Miski Maxamed iyo  Maryan Kullane.

Shaqaalaha gurmadka caafimaadka ee magaaladaas waxay sheegeen in wax nolol ah aan loogu tagin, iyadoo dhammaantood ku naf waayay isla goobtii shilku ka dhacay. Qoyskan ayaa wararku intaas ku darayaan inay u socdeen warshad ay shaqeynayeen.

Illaa iyo hadda ma jirto warbixin intaas dheer oo ka soo baxday hey’adaha ay khuseyso, hase ahaatee waxaa socda baaritaanno lagu xaqiijinayo sababaha shilka keenay.

Waxaa iyaguna dhawacyo halis ah uu soo gaaray darawalkii baabuurka kale oo magaciisa lagu sheegay Alan Shclee iyo kaaliyihiisii Pamela Ann, iyadoo la dhigay isbitaala Palmer Hospital.

Maalmihii ugu dambeeyay waxaa inta badan gobolada Mareyka ka dhacayay baraf iyo dabeylo aad u qaboow, iyadoo jidadka qaarna ay weli adagtahay in la maro, madaama uu baraf sidib ah ku dhagan yahay.

Farah Blue, Hiiraan Online
[email protected]
Minneapolis, Minnesota