4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 11, 2014
DIINAARI: Waan soo Celinaynaa Gaadiidkii lagu dhacay South Sudan


Sabti, Janaayo 11, 2014 (HOL) — Danjiraha Soomaaliya ee dalka Koonfurta Suudaan, C/raxmaan Nuur Maxamed Diinaari ayaa maanta kala wareegay dukumintiyo la xiriira lahaansho gaadiid ganacsato Soomaaliyeed oo baabuurtooda ay dhaceen xoogagga dowladda dalkaas kasoo horjeeda ee ku sugan ku sugan deegaanka Pariyang ee ka tirsan magaalada Bantiu ee gobolka Unity State, una dhow soohdinta ay wadaagaan Koonfurta Suudan iyo Suudaan.

Ganacsade, Farxaan Ismaaciil Bile (Fariid) oo ka mid ah ganacsatada lagu haysto gaadiidkooda deegaanka Pariyang ayaa sheegay in 42 gaadiid oo isugu jira iska-rogayaal iyo booyado Soomaalidu leeyihiin ay gacanta ugu jiraan xoogagga dowladda kasoo horjeeda, isagoo intaas ku daray inay u adeegsadaan howlahooda gaarka ah.

Sidoo kale, ganacsduhu wuxuu sheegay in 80 ruux oo Soomaali ah oo gaadiidkaas ka shaqeynaayay 50 ka mid ah ay ku xayiran yihiin deegaanka lagu haysto gaadiidka, halka 30 kalena ay yimaadeen Juba, laguna celiyay magaalada Muqdisho.

Farxaan oo sii hadlay ayaa sheegay in wax hanti ah aanay u saarnayn gabi ahaan gaadiidka la dhacay, isagoo safaaradda Soomaalida ee dalkaas ka dalbaday in gaadiidkaas oo ay leeyihiin ganacsato Soomaaliyeed ay daba-galo, dibna ugu soo celiyo gacanta milkiilayaasha iska leh.

“Dukumiintiga waan kaa guddoomay, waxaan u howlgali doonaa sidii aan xiriir ula sameyn lahaa dowladda Koonfurta Suudaan, farxad bayna ii tahay in baaqii aan jeediyay aad kasoo jawaabteen , waxaan rajeynayaa in 42-ka gaari gacantiina lagu soo celin doono,” ayuu yiri C/raxmaan Diinaari oo sidoo kale sheegay in safaaraddu  waxa ay u adeegayso dadka Soomaaliyeed eek u nool dalka Koonfurta Suudaan, howshooduna ay tahay ilaalinta nafta  iyo hantida dadka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, danjiruhu wuxuu sheegay in safaaraddu ay ballaqaadayso in dadaal badan ay ku bixin doono sidii ganacsatada Soomaaliyeed ay ku heli lahaayeen hantidii laga dhacay intii ay awoodi karaan.

Dalka Koonfurta Suudaan ayaa waxaa ka socda dagaallo u dhexeeya kooxo mucaarad ah oo taageersan madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalkaas Riek Machan iyo ciidamada dowladda ee daacadda u ah madaxweynaha dalkaas, Salva Kiir, kuwaasoo haatan ku hardamaya gacan ku haynta magaalooyin waaweyn oo waqooyiga dalkaas ku yaalla.

Intii ay socdeen dagaalladan oo billowday oo bartamihii bishii Decmber ee la soo dhaafay ayaa waxaa ku dhintay lix qof oo Soomali ah, kuwaasoo mid ka mid ah la sheegay inay ahayd gabar dhallinyaro ah oo ay ku dhacday rasaas ay dhinacyada dagaalamaya is-dhaafsanayeen.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya