4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 10, 2014
SAGAL JET oo Xarun Madbacadeed ka Furatay Boorama (SAWIRRO)


Jimco, Janaayo 10, 2014 (HOL) — Magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal ayaa waxaa maanta ka dhacday xaflad ay madcabadda SAGAL JET ku furanaysay xarun daabacaad, waxaana xafladda oo lagu qabtay hoteel Rays mas’uuliyiin ka socotay xukuumadda Somaliland iyo marti-sharaf kale.

Munaasabada furitaanka ayaa waxaa ka hadlay gudoomiyaha shirkadda SAGAL JET, Cabdi Yuusuf Aar isagoo ka warbixiyay howlaha shirkadda ee ku aaddan daabacadda, wuxuuna xusay in u jeeddada shirkada loo aasaasay ay tahay sidii ay ugu fududeyn lahayd shacabka adeegyada daabacada ah ee ay u baahan yihiin.

“Innagoo ka duulayna baahiyaha jira ayaanu sannadkii 2007 waxaanu ka hir-gellinnay adeeggan Somaliland, xilligaas oo ay dadka doonaya inay wax daabacdaan ay aadi jireen dalalka Carabta, gaar ahaan Dubay, waanan ku guuleysannahay inaan baahidaas daboolno,” ayuu yiri Cabdi Aar.

Sidoo kale, madaxa shirkaddu wuxuu sheegay inay dadaal ugu jiraan sidii ay u dabooli lahayn baahida adeeggan, isagoo sheegay in xafiiskooda weyn uu ku yaallo magaalada Hargeysa, xafiiskanna uu noqonayo kii labaad ay horay uga fureen magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, maantana ay u suuro-gashay inay xafiiskii saddexaad ka furtaan magaalada Boorama.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Waxaa isaguna xafladda ka hadlay guddoomiyaha shirkaddan SAGAL JET qaybteeda gobollada Galbeedka Somaliland oo xaruntoodu noqon doonto magaalada Boorama, C/qani Axmed Abraar wuxuuna sheegay inuu kusoo kordhin doonaan Boorama waxyaabo badan oo dhinaca daabacaadda ah, taasoo uu sheegay inay ka qayb-qaadan doonaan bilicda magaalada, sidoo kale ay shirkaddu shaqo abuur balaaran u sameyn doonto da’yarta gobolka Awdal ku nool.

Cabdiqani Abaar wuxuu kaloo sheegay inay daabici doonaan buugaagta ay qoreen qalin-leyda hibada Alle u siiyay suugaanta Soomaaliyeed ee ku nool Gobolka Awdal iyo guud ahaan gobollada Galbeedka Somaliland.

Ugu dambayn, guddoomiye C/qani ayaa bulshada ku nool gobolka Awdal ugu bishaareeyay in qiimo dhimis muddo kooban ah ku sameyn doonaan adeegyada ay bixiso shirkadda ee dhinaca daabacaadda; isagoo shacabka ka dalbaday inay ka faa’iideystaan xilligaas kooban.

Gunaanadkii munaasabadda ayaa waxaa hadallo maha-dnaq kasoo jeediyay, Suldaan C/raxmaan Jaamac Dhawal, Prof. Saleebaan Axmed Guuleed, Maayar Saleebaan Xasan Xaddi, ganacsade Abiibakar Xuseen Miicaad (Shiine Dheere), guddoomiye ku xigeenka ururka haweenka Qaranka Somaliland ee NOW, Radwa Maxamed Kille iyo xubno kale oo fara badan.

Khadra Xasan Nuux, Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia