4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 10, 2014
Al-Islaax oo Talooyin u Jeedisay Madaxweynaha Cusub ee Puntland

Jimco, Janaayo 10, 2014 (HOL) — Ururka Al-islaax ee Geeska Afrika ayaa bayaan ay uu soo saaray maanta oo Jimco ah hambalyo u diray shacabka, culummada, madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali (Gaas iyo ku xigeenkiisa C/xakiin C/llaahi Camey.

Al-Islaax ayaa talooyin ku siisay madaxweynaha Puntland iyo ku xigeenkiisa qodobbo ay ka mid ahaayeen inay adkeyaan ammaanka iyo nabadgalyada deegaannada Puntland iyo sidoo kale inay ka shaqeeyaan midnimada iyo sharafta ummadda Soomaaliyeed.

Haddaba halkan hoose ka akhriso bayaanka uu ururka Islaax soo saaray:

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya