4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 10, 2014
Siilaanyo oo ka hadlay Puntland una jawaabay xisbiga UCID (Sawirro)


Jimco, Janaayo 10, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland Ax'ed Maxamed Siilaanyo  ayaa maanta u ambabaxay waddanka Itoobiya ka dib markii uu casuumad ka heley ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Desalegn.

Madaxweyne SiIlaanyo ayaa markii uu dhoofayey warbaahinta kula hadlay sheegay inuu Ra’isal wasaaraha Itoobiya ka helay casuumad rasmi ah, isla markaana kala hadli doono arrimo la xidhiidho iskaashiga  labadda dhinac.

“Waxaan maanta u anbaxayaa Itoobiya, waxaana martiqaad rasmi ah ka helay Ra’isal wasaaraha Itoobiya, dalka Itoobiya waa dal xidhiidh weyni inaga dhexeeyo, isla markaana isku socodka iyo ganacsi weynba inaga dhexeeyo”ayuu yidhi madaxweyne Siilaanyo oo ka hadlayey ujeedada safarkiisa.

Sidoo kale, waxa uu ka hadlay isbedelkii madaxtinimo ee ka dhacday Maamul goboleedka Puntland, waxaanu u hambalyey madaxweynaha cusub ee maamulkaasi yeeshay.

“Sida laga warqabo dhowaan maamul goboleedka Puntland waxa ka dhacay isbedel siyaasadeed, isbedelkaasi oo ku dhacay si nabadgalyo ah waana u hambalyeynayaa madaxweynaha cusub, waxaana ka rajaynayaa inuu nabadgalyadda xil iska saaro oo deganaanshaha gobolka uu ilaaliyo”ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo oo ka hadlayey doorashadda Puntland.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

“Xukuumadda Somaliland iyadaa ka mas’uul ah hagida iyo go’aan ka gaarista arrimaha siyaasadeed ee qarakanku leeyahay,  dastuurka  Jamhuuriayda Somaliland waxa uu waajibinaya in cida loo soo doorto talada qaranka ee codka ku timaadda inay tahay ka taliya ee hogaaminta qaranka”ayuu yidhi madaxweynaha oo u jawaabayey gudoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe oo dhowaan sheegay in haddii xukuumaddu isku koobto wada hadalka Somaliland iyo Soomaliya u dhexeeya inay xisbiyad mucaaradkuna gaarkooda u furi doonnaan wada hadal ay la gali doonaan Soomaaliya.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa sheegay in cidda kaliya ee wada hadalkaasi awood sharci u leh ay tahay xukuumadda uu hogaminayo, balse cidii kale ee arimahaasi ka hadasha loo aqonsan doono dambiile qaran, isagoo arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Wada hadalka Somaliland la leedahay Soomaaliya waxa u xil saaran xukuumadan aan madaxweynaha ka ahay, ma jirto cid masuuliyad lahayn  inay si toos ah ama si dadbadan ugali garto wada hadal, waxaana loo aqoonsanayaa inuu dastuurka qaranka baalmareen, waxaana  u digaysaa cid kasta oo dabin daabyo u gaysanaya qaranka laga qaadi doono shuruucda qaranka oo loo aqoonsan doono qaran dumis”

Weftiga uu madaxweynuhu hogaaminayo ee u anbabaxay Itoobiya ayaa waxa ka sii horeeya wefti wasiiro iyo xildhibaano iskugu jira oo dhawr cisho tobabar ku qaadanay Addis baba si ay u qorsheeyaan ajandaha ay shirka wadda hadalka uga qaybgali lahaa.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland