4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 10, 2014
Madaxtooyada magaalada Boosaaso oo maanta hub laga dhacay

Jimco, Janaayo 10, 2014 (HOL) — Iyadoo maanta madaxweynaha cusub ee Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas uu amar ku bixiyey in la dhowro hantida dowladda, ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in lala tegey gaadiid iyo hub badan oo ay dowladdu leedahay.

Gaadiid u badan nooca dagaalka iyo hub tira badan ayaa sida wararka lagu helayo waxaa la tegey ciidamada madaxtooyada ee ilaalada u ahaa madaxweynihii hore C/raxmaan Maxmed Faroole.

Dhankale kale, askar ka tirsan ciidamada madaxtooyada ayaa maanta jabsaday kaydka hubka madaxtooyada magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, halkaasoo ay dhowr qoryaha darandooriga u dhaca ah kala baxeen.

Askarta dhaca geystey ayaa waxaa iska-hor-imaad muddo kooban socdey uu dhex maray ciidamo kale oo iyaguna ka tirsan kuwa madaxtooyada, kuwaas oo kasoo horjeeday in la dhaco hubka dowladda.

Iska-hor-imaadkaas ayaa waxaa ku dhaawacmay labo askari oo kamid ah kuwii jabsanayey kaydka hubka ee madaxtooyada magaalada Boosaaso, waxaana intaas kaddib goobta soo gaarey lana wareegey ammaanka guud ee madaxtooyada ciidamada gaarka ah ee PIA-da.

Arrintan ayaa kusoo aadaysa xilli madaxweynaha -dhowaanta la doortay ee Puntland- C/weli Maxamed Cali Gaas uu amar ku bixiyey in la dhowro hantida dowladda, isagoo sheegay in mas'uuliyiinta dowladda lagula xisaabtami doono hantida iyo qalabka yaalla xarumaha ay mas'uulka ka yihiin.


Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya