4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 10, 2014
KISMAAYO: Xaflad Lagu Taageeray Hoggaanka Puntland (SAWIRRO)


Jimco, Janaayo 10, 2014 (HOL) — Xaflad lagu taageerayay madaxweynaha cusub ee maamul goboleedka Puntland Prof: C/weli Max’ed Cali islamarkaan ay kasoo qeybgaleen masuuliyiin sare oo ka tirsan maamulka Jubba, odoyaal, haween, dhalinyaro iyo guud ahaan qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Degmada Kismaayo ayaa manta ka dhacay Hotel Qiilmawaaye ee magaalada Kismaayo.

Masuuliyiintii goobta ka hadashay ayaa muujiyay sida ay ugu faraxsanyihiin madaxweynaha cusub ee Puntland, kaasoo ay ku tilmaameen in uu yahay masuul kaso bixi kara howsha loo igmaday.

Goobta ayaa waxa ugu horeyn ka hadlay Madaxweeyne kuxigeenka maamulka Jubba Jen. C/laahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, waxa uuna hambalyo u jeediyay madaxweeynaha  iyo M/weyne kuxigeenka cusub ee Puntland, isagoona ugu duceeyay in Alle u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo dhiibay.

Masuulkan ayaa sidoo kale sheegay in xafladdan ay isugu jirto soo dhaweyn iyo sagootin ay sagootinayaan madaxweeynihii hore ee Puntland C/raxmaan Max’ed Max’uud Faroole.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Sidoo kale waxaa isna goobta ka hadalay wasiirka arimaha gudaha iyo amniga ee maamulka Jubba Jen. Max’ed Warsame Faarax (Darwiish), waxa uuna hambalyo u diray hogaanka cusub ee Puntland isagoo doorashadii ka dhacaday Puntland ku tilmaamay mid taariikhi ah islamarkaana ku dayasho mudan.

Wasiirka arimaha bulshada ee Maamulka Jubba oo isna goobta ka hadlay dhankiisa amaan u jeediyay shacabka Puntland oo uu sheegay in ay yihiin shacab u bisil dowladnimad, wuxuuna amaan u jeediyay madaxweeynihii hore ee puntland C/raxmaan Faroole oo uu sheegay in uu soo gacan qabtay maamulka Jubba, wuxuuna kula dardaarmay madaxweeynaha cusub ee Puntland in uu halkii kasii wado wadashaqeyntii u dhexeeysay Puntland iyo Jubba.

Gabagabadii ayaa waxa munaasibadda ka hadlay qaar kamid ah ugaasyada ku dhaqan Jubooyinka kuwaasoo iyaguna dhankooda hambalyo u jeediyay shacabka iyo madaxda cusub ee Puntland.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya