4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 10, 2014
GAAS: "Hantida dowladda Puntland waa la iskula Xisaabtami doonaa"

Jimco, Janaayo 10, 2014 (HOL) —Madaxweynaha dhowaanta la doortay ee Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas oo maanta shir-jaraa'id ku qabtay magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland, ayaa soo saaray amarro dhowr ah oo la xiriira ilaalinta hantida dowladda.

Madaxweynaha ayaa faray mas'uuliyiinta dowladda inay howlahooda sidii hore usii wataan isagoo sidoo kale ku amray inay ilaaliyaan hantida dowladda gaar ahaan qalabka xafiisyada, gaadiidka iyo hubka.

C/weli Gaas ayaa sheegay in wasiirrada lagula xisaabtami doono hantida iyo agabka yaalla wasaaradaha ay joogaan "mas'uul walba waxaa lagula xisaabtami doonaa hantida uu mas'uulka ka yahay...qalabka iyo hantida amniga in la xafido waa lagama maarmaan inaan mas'uuliyad gaar ah iska saarno..."

Madaxweynaha ayaa farriin gaar ah u diray ciidamada isagoo ugu baaqay inay howlaha ay dalka u hayaan sii laban laabaan islamarkaana ballanqaaday in xukuumaddiisu ay si wanaagsan u daryeeli doonto ciidamada qalabka sida.

"ciidamada qalabka sida ee Puntland waxay kaalinta koowaad kaga jiri doonaan siyaasadda dowladeyda, waxanna u ballan qaadayaa inay helaan dhammaan agabka iyo xuquuqda ay leeyihiin sida: mushaharka, tababarrada iyo daryeelka qoysaskooda" Madaxweyne C/weli Gaas ayaa yiri.

Mar la weydiiyey xilliga uu soo magaabi doono golihiisa wasiirradda, wuxuu sheegay in muddo saddex todobaad gudahood uu kusoo dhisi doono.

Amarradan ayaa ah kuwii ugu horreeyey ee C/weli Maxamed Cali Gaas uu soo saaro tan iyo markii loo doortay madaxweynaha Puntland Arbacadii lasoo dhaafay.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Garoowe, Soomaaliya