4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 10, 2014
Ergayga Midowga Afrika oo la Kulmay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya

Jimco, Janaayo 10, 2014 (HOL) — Danjiraha ururka Midowg Afrika u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Maxamed Saalax Anaadiif ayaa markii ugu horeysay kulan la qaatay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, isagoo kala hadlay arrimo badan oo ay ku jiraan howgallada AMISOM.

Labada mas’uul ayaa waxay kulankooda uga doodeen arrimo ay ka mid yihiin howgalka AMISOM, fulinta qaraarkii Qaramada Midoobay ee tirsigiisu ahaa 2124 iyo howlgallada ay qorsheynayso AMISOM inay dhawaan ka billowdo gudaha gobollada dalka qaarkood.

Sidoo kale, labada mas’uul waxay ka hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka u dhexeeya Midowga Afrika iyo xukuumadd Somalia, isagoo xusay inay kala shaqeyn doonto AMISOM dowladda Soomaaliya dhinacyada dib u soo celinta amniga, siyaasadda, arrimaha bulshada, gargaarka bani’aadmnimo, kuwa jinsiga iyo sidii loo xasilin lahaa Soomaaliya oo dhan.

“Waxaan kuugu imid inaan kula kulmo kuuguna hambalyeeyo xilka laguu magacabay ee ra’iisul wasaaraha Soomaaliya. Mudane Cabdiweli Sheekh waxaan kuu xaqiijinayaa in Midowga Afrika uu si dhow ula shaqeyn doono xukuumadda aad soo dhisayso,” ayuu yiri dajire Anaadiif oo kulanka hadal ka jeediyay.

Danjiraha iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya waxay ku heshiiyeen in la meel-mariyo qaraarradii Qaramada Midoobay, sidoo kalena la billaabo howgallo ku wajahan deegaannada ay weli gacanta ku hayso Al-shabaab, si dowladda ay ugu suuro-gasho inay maamulkeeda ku baahiso deegaannadaas.

“Shacabka Soomaaliyeed waxaan kula talinayaa inay xukuumdda Somalia iyo AMISOM-ba la shaqeeyaan, si ay u suurogasho in kooxaha nabadda ka soo horjeeda laga saaro deegaannada ay dalka kaga sugan yihiin,” ayuu ku daray hadalkiis.

Ugu dambeyn, ergaygu wuxuu hadalkiisa ku sheegay inay AMISOM sii wadi doonto dadaallada ay ku caawinayso shacabka iyo dowladda Soomaaliya si loogu guuleysto qorshaha lagu doonayo in Somalia nabad looga dhigo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya