4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 10, 2014
Madaxda Khaatumo iyo waxgaradka oo taageeray isbedelka Puntland

Jimco, Janaayo 10, 2014 (HOL) — Mas’uuliyiinta maamulka Khaatumo iyo Madax-dhaqameedkooda qaarkood ayaa taageeray isbedelka maamul ee ku yimi maamul goboleedka Puntland.

Madaxweynaha Khaatumo, Maxamed Yuusuf Jaamac (Indha-sheel) ayaa ka sheegay degmada Buuhoodle inuu soo dhaweynayo isbedelka ka dhacay maamulka Puntland, waxaanu ku dheeraaday ka warbixinta colaaddii u dhexaysay xukuumaddii C/raxmaan Faroole iyo maamlka Khaatumo isgaoo xusay inuu ka rajeynayo maamulka cusub inuu la yimaado siyaasad ka aad uga duwan tii hore ee Puntland.

Indhasheel wuxuu intaas ku daray inay yihiin maamul jira: "Waxaan nahay maamulka Khaatumo, waxaana jecelnahay inaan wanaag iyo walaaltinimo kula noolaanno maamulka Puntland." isagoo hadalkiisa sii watana ayaa u rajeeyay maamulka cusub horumar iyo wanaag.

Dhanka kale, magaalada Buuhoodle waxaa ka dhacay isku-soo-baxyo iyo xaflado aan kala go’ lahayn taas oo lagu taageerayo madaxweynaha iyo ku xigeenka cusub ee maamulka Puntland loo doortay, C/weli Maxamed Cali Gaas iyo C/xakiin C/llaahi Xaaji Cumar (Camey).

Garaad Saleebaan Buraale iyo Garaad C/llaahi Garaad Soofe oo labaduba ka mid ah waxgaradka deegaannada gobolka Sool ayaa iyaguna goob fagaare ah kula hadlay bulshada reer Buuhoodle iyagoo sheegeen inay hamblayo u dirayaan madaxda la wareegtay hoggaanka maamulka Puntland.

Dhinaca kale, magaalada Taleex ayaa waxaa hambalyo taas la mid ah ka diry Mukhtaar Ibraahin Xabashi oo ah wasiirka madaxtooyada Khaatumo isagoo sheegay inay soo dhaweynayaan dhankooda madaxda cusub ee ku soo biirtay masraxa maamul goboleedka Puntland.

Mas’uuliyiintan marna kama hadlin in xildhibaanada madaxdan dooratay ay 17 ka mid ah kasoo jeedaan deegaanada ay Khaatumo sheegato inay ka taliso, waxaa kaloo xusid mudan in ku xigeenka maamulka Puntland, Camey uu isaguna yahay nin kasoo jeeda degmada Buuhoodle.

Balse, waxaa xusid mudan in sannadihii lasoo dhaafay ay jireen xiisado u dhexeeya maamullada Khaatumo iyo Puntland kuwaasoo dhaliyay dagaallo ka dhacday degmada Taleex oo ay ku dhinteen tobaneeyo qof, kuwo intaas ka badanna ay ku dhaawacmeen.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool