4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 10, 2014
Dabley Weerartay Koontarool ay ku sugnaayeen Ciidamada Dowladda

Jimco, Janaayo 10, 2014 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa saakay aroortii weeraray bar-koontarool ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda Soomaaliya oo ku yaalla deegaanka Cumar Beerreey oo ka tirsan degmada Afgoooye ee gobolka Shabeellada Hoose.

Goobjoogayaal ku sugan deegaankaas oo la hadlayay warbaahinta qaarkeed ayaa sheegay inay arkeen maydadka afar ka tirsn askarta ciidamada oo lagu dilay goobtaas iyo tiro kale oo lagu dhaawacay.

“Weerarku wuxuu u muuqday mid gaadmo ah, waxaana lagu qaaday bar ay ciidamada dowladdu lacago kaga qaadi jireen gadiidka, halkaas waxaa lagu dilay afar askari, lix kalena waa lagu dhaawacay, kooxihii weerarka kusoo qaadayna waxay horay u qaateen qoryo fudud,” ayuu yiri goobjooge halka uu weerarku ka dhacay ku sugan oo sababo ammaan magaciisa u qariyay.

Sidoo kale, goobjoogaha ayaa sheegay in kooxihii weerarka soo qaaday ay weli ku sugan yihiin meelo ku dhow deegaannada ay dagaalladu ka dhaceen, iyadoo abaabul ciidan oo xooggan ay ciidamadu dowladdu ka wadaan dhowr deegaan oo ku dhow deegaanka saakay la weeraray.

Inkastoo aysan jirin cid sheegatay inay mas’uul ka tahay weerarka lagu dilay  askarta ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya kuwa kalena dhaawaca loogu geystay ayaa haddana dadka deegaanku waxay sheegayaan inay u muuqdaan inay yihiin kuwo ka tirsan Al-shabaab.

Dadka deegaanka ayaa sheegay inay cabsi badan ka jirto deegaanka iyagoo ka baqdin qaba in dagaal uu dhaco, waxaana tani ay qayb ka tahay weerarro dhowr jeer ka dhacay gobolka Shabeellada Hoose oo mas’uuliyadda intooda badan ay sheegatay Al-shabaab.

Ma jiro hadal kasoo baxay dhinaca dowladda oo ku aaddan weerarka lagu qaaday ciidamada ku sugan gobolka Shabeellada Hoose, halkaasoo dhowr jeer oo hore ay ka dhaceen iska-horimaadyo ku saleysan beelo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya