Diyaarado duqeeyay Saldhig ay Al-shabaab ku lahayd Gobolka Gedo

Jimco, Janaayo 10, 2014 (HOL) — Saldhig ay Xarakada Al-shabaab ku lahayd deegaan lagu magacaabo Birta-dheer oo dhinaca Koonfureed kaga beegan degmada Gabahaarey ee gobolka Gedo ayaa la duqeeyay shalay gellinkii dambe.

Duqeyntan ayaa la sheegay inay geysteen diyaarado dagaal oo ay leedahay dowladda Kenya, waxaana ku dhintay inta la ogyahay 10 ruux oo ka tirsan xoogagga Al-shabaab, inkastoo aysan weli kooxdan ka haldin khasaarihii ka soo gaaray duqeyntaas.

Mas’uuliyiin u hadlay maamulka Ahlusunna Waljmaaca ee Koonfurta Somalia ayaa sheegay in duqeynta ay la socdeen isla markaana khasaare xooggan loogu geystay Al-sabaab.

“Waa nalagu soo wargeliyay duqeynta, deegaanka la duqeeyay oo 20-km ka xiga koonfurta xarunta gobolka Gedo ee Garbahaarey waxaa ka talinaysay Al-shabaab, waxaana ku sugnaa hoggaamiyahooda sare, waana taas midda keentay in la duqeeyo,” ayuu yiri Sheekh Isxaaq oo ka mid ah culummada Ahlusunna.

Saraakiisha dowladda ee gobolka Gedo iyo maamulka ayaan iyagu ka hadlin weli duqeyntan iyo khasaaraha ay geysatay, waxaana duqeyntan ay Kenya ka geystay gobolka Gedo ay noqonaysaa tii ugu horreysay oo sannadkan ay ka geysato halkaas.

Dowladda Kenya dhankeeda kama aysan hadlin duqeynta ay ku qaadday saldhigga ay Al-shabaab ku lahayd deegaanka barita-dheer oo dhowr jeer ay ku dagaalameen ciidamada dowladda Somaaliya iyo kuwa Al-shabaab ee ku sugan gobolka Gedo.

Xukuumadda Kenya ayaa sheegtay inay 31-kii Oktoobar 2013 ay duqeysay saldhig ay Al-shabaab ay tababar ku siinaysay qaar ka mid ah xoogaggooda oo ku yaalla duleedka degmada Diinsoor ee gobolka Bay, iyagoo sheegay inay ku dileen 300 oo dagaalyahan, gaadiid badanna ay ku gubeen.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya






Jimco, Janaayo 10, 2014 (HOL) — Iyadoo inta badan goleyaasha deegaanka ee sannadkii hore la doortay laga dayrinayo shaqadooda ayaa waxaa weli taagan murankii u dhexeeyay maayar iyo maayar xigeenka degmada Booram ee xarunta gobolka Awdal. Taasoo ay dadweynuhu siyaabo kala duwan uga hadleen.

Jimco, Janaayo 10, 2014 (HOL) — Magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal ayaa waxaa maanta ka dhacday xaflad ay madcabadda SAGAL JET ku furanaysay xarun daabacaad, waxaana xafladda oo lagu qabtay hoteel Rays mas’uuliyiin ka socotay xukuumadda Somaliland iyo marti-sharaf kale.

Jimco, Janaayo 10, 2014 (HOL) — Ururka Qaran ee suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa cambaareeyay falkii xarigga ahaa lagu kala kacay wariyihii idaacadda Kulmiye ee magaalada Baydhabo Khamiista la soo dhaafay ee shalay, wariyahaas oo xirnaa muddo sideed saacadood ah iyadoo la sii daayay xalay fiidkii.

Jimco, Janaayo 10, 2014 (HOL) — Iska-horimaad sababay dhaawaca laba qof ayaa maanta gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ku dhexmaray ilaalada guddoomiyaha gobolka Bay, Cabdi Aadan Hoosow iyo haweeney uu u soo dago Jaad oo lagu magacaabo Salaadey.

Jimco, Janaayo 10, 2014 (HOL) — Ururka Al-islaax ee Geeska Afrika ayaa soo saaray maanta oo Jimco ah bayaan ay ugu hambalyeynayaan shacabka, culummada iyo madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali (Gaas iyo ku xigeenkiisa C/xakiin C/llaahi Camey.

Jimco, Janaayo 10, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland Ax'ed Maxamed Siilaanyo ayaa maanta u ambabaxay waddanka Itoobiya ka dib markii uu casuumad ka heley ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Desalegn.

Jimco, Janaayo 10, 2014 (HOL) — Iyadoo maanta madaxweynaha cusub ee Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas uu amar ku bixiyey in la dhowro hantida dowladda, ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in lala tegey gaadiid iyo hub badan oo ay dowladdu leedahay.

Jimco, Janaayo 10, 2014 (HOL) — Xaflad lagu taageerayay madaxweynaha cusub ee maamul goboleedka Puntland Prof: C/weli Max’ed Cali islamarkaan ay kasoo qeybgaleen masuuliyiin sare oo ka tirsan maamulka Jubba, odoyaal, haween, dhalinyaro iyo guud ahaan qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Degmada Kismaayo ayaa manta ka dhacay Hotel Qiilmawaaye ee magaalada Kismaayo.

Jimco, Janaayo 10, 2014 (HOL) — Milateriga dalka Kenya ayaa sheegay inay 30 qof oo Xarakada Al-shabaab ka tirsan ku dileen weerar duqeyn dhinaca cirka ah oo ay ka geysteen deegaan ku dhow degmada Gabahaarey ee gobolka Gedo.

Jimco, Janaayo 10, 2014 (HOL) — Wafdiga maamulka Somaliland uga qayb-galaya wada hadallada ay la yeelanayaan dowladda Soomaaliya oo ku sugan magaalada Addis Ababa ayaa kulan la qaatay madaxweynihii hore ee dalka Nigeria Olusẹgun Obasanjo, iyagoo ka wada hadlay arimo dhowr ah.

Jimco, Janaayo 10, 2014 (HOL) —Madaxweynaha dhowaanta la doortay ee Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas oo maanta shir-jaraa'id ku qabtay magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland, ayaa soo saaray amarro dhowr ah oo la xiriira ilaalinta hantida dowladda.

Jimco, Janaayo 10, 2014 (HOL) — Danjiraha ururka Midowg Afrika u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Maxamed Saalax Anaadiif ayaa markii ugu horeysay kulan la qaatay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, isagoo kala hadlay arrimo badan oo ay ku jiraan howgallada AMISOM.

Jimco, Janaayo 10, 2014 (HOL) — Mas’uuliyiinta maamulka Khaatumo iyo Madax-dhaqameedkooda qaarkood ayaa taageeray isbedelka maamul ee ku yimi maamul goboleedka Puntland.

Jimco, Janaayo 10, 2014 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa saakay aroortii weeraray bar-koontarool ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda Soomaaliya oo ku yaalla deegaanka Cumar Beerreey oo ka tirsan degmada Afgoooye ee gobolka Shabeellada Hoose.

Somali News

1/10/2014 12:41 PM EST
January 10 2014, NAIROBI (SOPEC) – Somali’s working to rebuild their country’s reproductive sectors will for the first time showcase Somalia’s potential in a bid to attract foreign investment and spur an economic recovery.

1/10/2014 10:41 AM EST
The African Union peace keeping Mission in Somalia (AMISOM) has launched a high profile capacity building training course for members from the Somali correction troops known here as’ Asluubta’ as part of AU’s efforts to help Somali government establish well-experienced prison services.

1/10/2014 7:29 AM EST
Somaliland is finalising a multi-million dollar deal with a leading international operator to develop a port at Berbera, on the Gulf of Aden reports All Africa.

1/10/2014 7:16 AM EST
Mogadishu - JaThe Special Representative of the Chairperson of the African Union Commission (SRCC) for Somalia, Ambassador Mahamat Saleh Annadif today paid a courtesy call on the new Somalia Prime Minister H.E. Abdiweli Sheikh Ahmed to congratulate him on his recent appointment and pledge AMISOM support to his new government.

1/10/2014 7:10 AM EST
An African woman who was denied permission to travel to Australia for facial reconstruction surgery by the Gillard government has had a second visa application approved.

1/10/2014 7:01 AM EST
On the 1st of January the European Union assumed the chairmanship of the Contact Group on Piracy off the Coast of Somalia (CGPCS), as part of a one-year rotation system.CGPCS
Click here