Jimce, Feberaayo 07, 2014 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed ayaa sheegay in dowladdiisa ay qorshaynayso sidii gabi-ahaanba dalka oo dhan looga cirib tiri lahaa gudniinka fircooniga ah oo noqday mid kamid ah dhibaatooyinka dumarka Afrika.
Dalal badan oo ku yaalla Afrika ayaa shalay xusay maalinta ka hortagga gudniinka Fircooniga ah oo ay Soomaaliya ku jirto, iyadoo munaasabadahaas ay ka qayb-galeen dumar badan oo loo guday habka fircooniga ah.
"Gudniinka fircooniga ah waa mid ka soo horjeeda shareecada Islaamka, waxaana uu jir dil ku yahay dhamaan dumarka oo dhan," ayuu yiri Raysal-wasaaraha oo tilmaamay in la gaaray xiligii arintan laga hortagi lahaa.
Waxaa kaloo uu sheegay Cabdiwali in aan mar danbe la aqbali doonin gudniinka fircooniga ah ,isla markaana uu ka soo horjeedo sharciga ummadda, isagoo xusay in laga mamnuuci doono guud ahaan dalka.
"Aqoonta waa xalka kaliya ee dalka looga xakamayn karo falkan bahalnimada ah ee gabdhaha yar-yar lagu jir-dilayo"ayuu mar kale hadalkiisa ku daray ,iyadoo wali qaybo kamid ah Soomaaliya laga adeegsado.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in hay'adaha qaar u isticmaali doonto in bulshada ay ka wacyi galiyaan arimahan,iyadoo door muuqda ay ku yeelan doonaan haweenka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.
Ugu danbayn, gudniinka fircooniga ah ayaa wali laga isticmaalaa miyiga Somalia, waxaana uu dhaawac baahsan u gaystay qoysas badan oo Soomaaliyeed, iyadoo dumarka qaarkood ay dhibaato kala kulmaan gudniinkaas xiliga dhalmada.
Faysal Mohamed Hassan
[email protected]