4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 7 , 2014
Kulan baroor-diiq ahaa oo xalay Villa Somalia ka dhacay (SAWIRRO)

Jimce, Feberaayo 07, 2014 (HOL) —Xarunta madaxtooyada ee magaalada Muqdisho (Villa Somalia), waxaa xalay ka dhacay kulan ballaaran oo ay kasoo qayb galeen madaxda sare ee dowladda federaalka iyo wufuudda Muqdisho u tegey si ay uga qayb galaan aaska –AHN- C/risaaq Xaaji Xuseen.

Kulanka oo casho-sharaf ahaa waxaa loogu duceeyey C/risaaq Xaaji Xuseen iyadoo dhinaca kalena looga sheekeeyey shaqsiyaddiisa, qaybtii uu kasoo qaatay halgankii xornimada iyo weliba waxyaabaha lagu xusuusan doono.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ugu horreyn kulanka ka hadlay, ayaa C/risaaq Xaaji Xuseen ku tilmaamay hoggaamiye ku dayasho mudan kaas oo baal dahab ah ka galay taariikhda umadda Soomaaliyeed.

Xafladda waxaa sidoo kale ka hadlay ra’iisul wasaare C/weli Sheekh Axmed iyo guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari oo labadooduba ku dheeraaday taariikhda marxuumka iyagoo sheegay in dadka isaga oo kale ahi ay mudan yihiin tixgelin dheeri ah.
HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:-

Madaxweyneyaasha maamullada Puntland iyo Jubba ayaa iyaguna khudbado duco u badnaa madasha ka jeediyey, iyagoo marxuumka Ilaah uga baryey inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo.

C/risaaq Xaaji Xuseen oo ahaa ra’iisul wasaarihii labaad ee dalka Soomaaliya uu yeesho kaddib waqtigii xorriyadda la qaatay 1960, wuxuu xilkaas hayey intii u dhexeysey 1964-1967.

Maanta oo Jimce ah [Febaraayo 7, 2014] ayaa marxuumka lagu aasi doonaa magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya