4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 16, 2014
Madaxweyne Xasan Shiikh oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho (SAWIRRO)


Axad, Feberaayo 16, 2014 (HOL) — Madaxweynaha dowladda federaalka Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay maanta garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, kaddib booqasho uu ku tagay dalka Turkiga.

Xubno kala duwan oo ka tirsan labada gole ee dowladda iyo mas’uuliyiin kale ayaa kusoo dhaweeyay madaxweynaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kuwaasoo uu ka mid ahaa guddoomiyaha golaha shacabka, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari).

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Madaxweynaha oo saxaafadda kula hadlay garoonka ayaa ka warbixiyay booqashadiisii uu ku tagay dalka Turkiga wuxuuna xusay inuu la kulmay arday Soomaaliyeed oo wax ka barata dalkaasi.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa soo hadal-qaaday war bulshada dhexdeeda lagu faafiyay oo ahaa inuu dhintay, isagoo xusay in tallaabo adag laga qaadi doono kuwii warkaas faafiyay, isagoo dhanka kale xusay in la joogo xilligii la soo af-jari lahaa kooxda Al-shabaab.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya