4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 15, 2014
Ingiriiska oo Somalilland ka taageeraya tayeyn Shaqaalaha Dowladda

Sabti, Febaraayo 15, 2014 (HOL) — Wafti balaadhan oo iskugu jira wasiiro, agaasimeyaal iyo gudoomiyeyaal hay’adaha dawladda Somaliland, ayaa kulan kula yeeshay magaaladda Addis-ababa hay’adda horumarinta ee Ingriiska (DFID), Bangiga Adduunka, Midowga Yurub, hay’adda Barnaamijyada horumarinta ee Qaramada Midoobey (UNDP), khubaro ka socda Machadka Caalamiga ah ee Maamulka Dawladda Ingriiska, iyo la-taliyaha Wasiirka Qorshaynta Ingiriiska oo iyagu lahaa haggidda shirka.

Weftigan oo ka kooban Wasiirka Qorshaynta, Wasiirka Cadaaladda iyo Garsoorka, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha bulshada, Wasiiru-dawlaha waxbarashada iyo tacliinta sare,Wasiir ku-xigeenka wasaaradda caafimaadka, Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha, Agaasimaha Guud ee Wasaarada Waxbarashada iyoTacliinta Sare, Agaasimaha Madaxtooyada, Guddoomiye ku-xigeenka hay’adda Maamul Wanaagga ahna ku simaha Guddoomiyaha Guud, Machadka Tababarka Shaqaalaha dawladda (CSI), agaasimeyaasha waaxaha Qorshaynta ee wasaaradaha Maaliyadda, Ganacsiga, iyo madaxa barnaamijka dib u habaynta maaliyadda dawladda ayaa shir ku yeeshay magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Ethiopia.

Shirkaas oo ay kala soo qayb-galeen madax ka socota hay’adda horrumarinta ee Ingriiska (DFID), Bangiga Adduunka, Midowga Yurub, hay’adda Barnaamijyada horumarinta ee Qaramada Midoobey (UNDP), khubaro ka socda Machadka Caalamiga ah ee Maamulka Dawladda Ingriiska, iyo la-taliyaha Wasiirka Qorshaynta oo iyagu lahaa haggidda shirka.

Sida lagu sheegay war-saxafadeed ka soo baxay shirkan ayaa lagu sheegay inay Shirkan Abaabulkiisa lahaa hay’adda Horumarinta ee Ingriiska (DFID), ujeedadiisuna ahayd sidii loo dardargelin lahaa dib u habaynta shaqaalaha dawladda Somaliland. Shirkan lagu horumarinayo shaqaalaha dawladda oo socday saddex maalmood, ayaa waxa ka soo baxay lix qodob oo ah in lagu dadaalo sidii loo dardargelin lahaa tayeynta shaqaalaha hay’adaha dawladda,waxaana ka mid ah go’amadaasi ka soo baxay lixdan qodob.

1. In guddidii Madaxweynuhu hore ugu magacaabay dib u habaynta shaqaalaha dawladda loo sameeyo xoghayn fulisa hawl maalmeedka guddida.

2. In la sameeyo guddi guud oo xidhiidhisa barnaamijyada dib u habayneed ee ka socda qaybaha kala duwan ee hay’adaha dawladda.

3. In la fuliyo xeerka shaqaalaha dawladda god-daloolooyinka uu leeyahayna dib u eegis lagu sameeyo. Dib u habayntaa oo hay’adda shaqaaluhu soo curin-doonto.

4. In muddada lagu jiro dib u eegista xeerkana, xeer madaxweyne lagu sii daboolo god-doloolooyinkiisa.

5. In tababar loo sameeyo shaqaalaha dawladda, madax iyo minjaba, arrinkaas oo loo xilsaaray maxadkaTababarka Shaqaalaha dawlada.

6. In la sameeyo Guddi ku meelgaadh ah oo loo xilsaaray meelmarinta go’aamadii ka soo baxay shirkan.".

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]  
Hargeysa, Somaliland