4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 14, 2014
Alaabooyin Dhacay oo Lagu soo Bandhigay Laas-caanood (SAWIRRO)


Jimce, Febaraayo 14, 2014 (HOL) — Xarunta wasaaradda Ganacsiga ee magaalada Laascaanood ayaa lagu soo bandhigay alaabooyin badan oo laga soo ururiyey suuqyada ganacsiga degmada, kuwaasoo isticmaalkoodii uu dhacay.

Alaabtan oo isugu jirta raashin, sharaab ama cabitaan, buskud iyo alaabooyin kale ayaa waxay ahaayeen kuwo lagu iibinayay dukaamo ku yaalla magaalada Laascaanood sida uu sheegay guddoomiya wasaarada ganacsiga ee Laascaanood, Fu'aad Maxamed Cumar.

Fu'aad wuxuu sheegay in alaabtan ay yihiin kuwo dhacay oo sun ah lagana iibinayay shacabka, iyadoo siyaabo badan la adeegsanayo, isagoo intaas ku daray inay weli jiraan qaar shaabado lagu cusboonaysiinayo loo sameeyay.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Mas'uulkan ayaa ku hanjabey in maanta ay soo ururiyeen balse ay mar labaad ciddii lagu arko ay tallaabo ka qaadi doonaan, taasoo la mid ah dhibaatada ay dadka shacabka ah u geysanayaan.

Wasaaradda caafimaadka gobolka Sool ayaa dhawaan baahisay inay tallaabo tan oo kale ah ka qaadayso goobaha ganacsiga ee lagu iibiyo dawooyinka dhacay, waxaanay sheegeen inaan la eegayn oo keliya dawada dhacday ee la eegi doono samayska dawooyinka.

Tallaabadan ayaa dadku u arkaan mid loo baahnaa dhibaato xooggana ku haysay bulshada, iyadoo la arko dad sheegaya in laga iibiyay alaabo dhacsanayd shan sano oo aanay ogeyn.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool