4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 13, 2014
Dowladda Somalia oo lagu Eedeeyay inay Hub ka iibisay Al-shabaab


Khamiis, Febaraayo 13, 2014 (HOL) — Warbixin ay soo saareen kooxda dabagalka cunno-qabteynta hubka ee Soomaliya iyo Eretria ayaa lagu sheegay in saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya ay hubka u gudbiyaan Xarakada Al-shabaab oo dagaal kula jirta dowladda Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM.

Warbixinta oo ka koobanayd 14 bog ayaa lagu sheegay in si aad ah loogu xad-gudbay cunno-qabateynta hubka Soomaaliya iyo Eritrea. Sidoo kale warbixinta ayaa lagu sheegay hubka lagu wareejiyay hoggaamiye Al-shabaab ka tirsan oo lagu magacaabo, Sheekh Yuusuf Ciise (Kaba-ku-tukade) oo ay isku hayb yihiin madaxweyanha Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa warbixinta lagu xusay in wasiir ka tirsan xukuumadda Soomaaliya uu door muhiim ah ka ciyaaray hub kala duwan oo laga soo iibiyay dalalka Carabta qaarkood, inkastoo aan magaciisa lagu xusin warbixinta. Sidoo kale, warbixinta ayaa lagu sheegay in hubkan qaarkiis uu Soomaaliya kasoo galay dalalka Uganda iyo Jabuuti .

Warbxinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in dadaallada ay dowladda ugu jirto nabadgalyada ay curyamiyeen siyaasado qabiil ku dhisan oo ka jira Soomaaliya. Kooxda ayaa intaas ku dartay in hubka lagu iibiyo goobo gaar ah oo Muqdisho ku yaalla.

Inkastoo dowladda Soomaaliya aysan weli ka hadlin warbixintan ayaa waxaa haddana ay kusoo aadaysaa xilli madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud uu bishii Jannaayo uu u sheegay warbaahinta inay dowladdiisu awood u leedahay inay ilaaliso hubka ay soo iibsato.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya