4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 13, 2014
Madaafiic xalay lagu Duqeeyay Qaybo ka tirsan Magaalada Muqdisho

Khamiis, Febaraayo 13, 2014 (HOL) — Ugu yaraan sideed madfac oo culus ayaa lagu garaacay xalay dhowr degmo oo ka tirsan gobolka Banaadir, iyadoo mas'uul u hadlay maamulka gobolka Banaadir uu sheegay inay ahaayeen kuwo lagu cabsi-gelinayo shacabka Muqdisho.

Duqeymahan ayaa waxay noqonayaa kuwii labaad oo Muqdisho ka dhaca muddo laba toddobaad gudahood ah, iyadoo la xusuusto in toddobaadkii hore laba habeen oo isku xigta madaafiic noocan oo kale ah lagu garaacay degmooyin ka tirsan caasimadda Soomaaliya.

"Madaafiic culus ayaan xalay maqalnay, waxaan xusuustay xilligii dagaalladu ay ka socdeen Muqdisho oo ahaa xilli adag. Runtii aad ayaan u baqay," ayuu yiri goobjooge ku sugan degmada Wardhiigley oo qaar ka mid ah warbaahinta la hadlay.

Inta badan madaafiicdii xalay ayaa ku dhacay agagaarka madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo aanay jirin cid ay waxyeello kasoo gaartay oo la sheegay, iyadoo duqeyntan ay mas'uuliyaddeeda sheegatay Xarakada Al-Shabaab.

Afhayeen u hadlay kooxda ayaa sheegay in weerarradan ay ahaayeen kuwo lagu doonayeen inay awoodda ay leeyihiin ku muujiyaan, isagoo aan sheegin khasaare ay ku geysteen madaafiicdan, isagoo intaas ku daray inay sii socon doonaan sidii ay horayba u ballanqaadeen.

Sidoo kale, guddoomiye ku xigeenka dhinaca ammaanka ee maamulka gobolka Banaadir, Warsame Maxamed Xasan (Joodax) ayaa sheegay in madaafiicdii xalay aysan ogeyn khasaarey ay geysteen, balse ay ahaayeen kuwo lagu cabsi-gelinayo shacabka oo dheemish ah.

"Madaafiicdu waxay ahaayeen kuwo dheemish ah, waxaana loogu talo-galay in shacabka lagu cabsi-geliyo, mana jiraan wax khasaare ah oo ay geysteen," ayuu yiri Joodax oo intaas ku daray in khasaare xalay dhacay oo ay og-yihiin uu yahay guri xildhibaan uu deggen yahay oo darbigiisa miino lagu qarxiyay.

Ma ahan markii ugu horreysay oo duqeymo noocan oo kale ah ay ka dhacaan Muqdisho, iyadoo shacabka ku nool Muqdisho ay cabsi weyn dareemeen xalay, xilli dhawaan mas'uuliyiinta hay'adaha amniga ay sheegeen in aysan soo laaban doonin duqeymo loo geysto degmooyinka gobolka Banaadir.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya