4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 11, 2014
Jarmalka oo Dowladda Somalia ka Taageeraya Tababarka Ciidamada

Talaado, Febraayo 11, 2014 (HOL) — Dowlada jarmalka ayaa u diyaar-garoobaysa sidii ay ugu biiri lahaayeen howl-galka Midowga Yurub ee Soomaaliya ,waxaana lagu wadaa in tiro ka tirsan ciidamada difaaca jarmalka ay ka qayb-qaataan tababarrada Midowga Yurub uu siiyo ciidamada dowladda Soomaaliya.

Afhayeen u hadlay wasaaradda difaaca Jarmalka ayaa warkan u xaqiijiyay warbaahinta,iyadoo dowladda Soomaaliya ay u baahantahay taageero dheeri ah oo ay ka hesho barnaamijka (EUTM) oo loogu tala-galay in lagu hormariyo ciidamada qalabka sida ee dowladda.

"Ciidamadeena waxey kaalin ku yeelan doonaan Africa mustaqbalka dhow," ayey tiri Vonder Leyen oo ah wasiiradda gaashaandhiga Jarmalka oo ka hadlaysay warkan la xiriira in ciidamo ka tirsan dowladeeda ay fulin doonaan tababaradaas.

Booqasho ay asbuuci hore ku tagtay wadamada Senegal iyo Mali ayey kula kulantay madax kala duwan oo afrikaan ah ,waxaana ay ballan-qaadday in ay taageero dheeri ah siin doonaan wadamo dhowr ah oo Soomaaliya ay ku jirto.

Ciidamo ka tirsan kuwa difaaca dowladda Jarmalka ayaa dhowr jeer oo hore ka qayb-qaatay tababarro ciidamda dowladda Soomaaliya lagu siinayay Uganda ,waxaana qorshahan uu qayb-ka yahay ku lug-lahaanshahooda qaaradda Afrika.

Ilaa sanadkii 2010-kii Midowga Yurub ayaa tababaray ciidamo gaaraya 3,600 oo askari ,kuwaasi oo qaarkood iminka ka howgala qaybo kamid ah Soomaaliya ,waana tiradii ugu badneyd oo dalka dibadiisa lagu tababaray tan iyo xilligii ay dhacday dowladdi dhexe ee dalka maamulaysay.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]