10/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 30, 2014
Sarkaal ka tirsan ciidanka Somalia oo shaaciyay in Zakariye ay Kenya haysato


Arbaco, December 31, 2014 (HOL) — Sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in ciidammo Kenyaan ah ay si khasab ah uga wateen ceel-qaalow Zakariye Ismaaciil Xirsi oo ka tirsanaa Al-shabaab, kaasoo isku soo dhiibay dowladda maalmo ka hor.

Col. Aadan Maxamed Wacays (Koronto) oo ka mid ah saraakiisha dowladda ee gobolka Gedo oo ka mid ahaa kuwii gacanta ku hayay Zakariye tan iyo markii uu isi soo dhiibay ayaa sheegay in ciidammo Kenyan ay si khasab ah uga qaateen Zakariye.

“Xalay ayaan waxaan ku hoyannay deegaanka Ceel-qaalow oo Kenya ka tirsan; halkaasoo nalo sheegay inay imaanayso diyaarad Zakariye Ismaacil u qaadi doonta Muqdisho, iyado saaka ay timid diyaarad ay la socdaan ciidan badan oo Kenyan ah, kuwaasoo qaatay,” ayuu VOA-da u sheegay Col. Koronto.

Sidoo kale, sarkaalka ayaa sheegay in goobta ay ku sugnaayeen saddex qof oo lab aka mid ah ay la socdeen Zakariye iyo iyagoo afar sarkaal oo ciidanka dowladda ah, balse diyaarad keligood la saaray iyagana loo diiday.

“Waxaa igu maqaal ah in Zakariye iyo raggii la socday lasii mariyay magaalada Nairobi, loona duuliyay deegaanka Lamu halkaas oo lagu hayo,” ayuu hadalkiisa ku daray Col. Aada Maxamed Koronto.

Dhanka kale, mar la weydiiyay sida uu ugu soo gacan-galay ayaa sheegay in uu muddo ku sugnaa deegaannada gobolka Gedo, markii uu waayay meel kale oo uu aado ayuu go’aan-saday inuu isku soo dhiibo ciidamada dowladda Somalia.

Zakariye Ismaaciil ayaa wuxuu ka mid ahaa saraakiisha sare ee Al-shaaab; wuxuuna uga mas'uul ahaa sirdoonka iyo dhaqaalaha, waxaana uu ka mid ahaa toddoba xubnood oo la dul-dhigay lacago malaayiin doollar ah si xogtiisa loo helo.

Si kastaba ha ahaatee, hadalka sarkaalkan ayaa imaanaya iyadoo hay’adda sirdoonka iyo nabadsugidda Qaranka Somalia ay sheegtay in warka sheegaya in Zakariye uu gacanta u galay Al-shabaab ay tahay mid been ah oo uu ku jiro gacanta dowladda Soomaaliya.

Dowladda Kenya weli kama hadlin inuu gacanteeda ku jiro Zakariye Ismaaciil iyo in kale, waxaase Al-shabaab ay horay u sheegtay in mas’uulkan uu laba sano ka hor ka goostay, ayna ku tirinayeen inay dhinaca dowladda jiro.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya