1/24/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 30, 2014
Wakiillo Reer Hiiraan ah oo ku Baaqay Shirweyne lagu Qabanayo Baladweyne


Talaado, December 30, 2014 (HOL) — Shir ay isugu yimaadeen xubno ka socday beelaha reer Hiiraan ee waqooyinga Ameerika gaar ahaan magaalada Toronto ee dalka Canada ayaa looga hadlay shirweyne gobolka Hiiraan lagu qaban doono, kaasoo ah mid ay beelaha gobolkaas dega isku cafinayaan.

Kulanka kaddib ayay xubnahan shir jaraa’id qabteen, iyagoo sheegay inay ujeeddada shirka lagu qabanayo gobolka Hiiraan ay qayb ka tahay sidii lagu dhameystiri lahaa maamulka Hiiraan State; kaasoo si wadajir ah loo sameyn doono, waxayna qurbo-joogta reer Hiiraan ugu baaqeen inay shirkaas kasoo qaybgalaan.

Xubnahan ayaa waxay si gaar ah baaqdooda ugu jeediyeen ugaasyada, wabarrada, malaaq-yada, suldaannada, xildhibaannada gobolka Hiiraan ee baarlamaanka ku jira, siyaasiyiinta, ururrada bulshada rayidka iyo guud ahaan shacabka reer hiiraan.

Shirka ayay sheegeen in la qaban doono 25/02/2015, iyadoo lagu qabanayo magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Isla markaana uu yahay mid looga tashanayo aayaha gobolka Hiiraan.

Ugu dambeyn, wakiillada reer Hiiraan ayaa sidoo kale ka codsanay dowladda Soomaaliya, hay adaha samafalka ururrada bulshada, ganacsatada Hiiraan in si dhaqso ah gargaar bani’aadamnimo loola gaaro shacabka gobolka ku nool, gaar ahaan degmada Buulo-burte iyo degmooyinka kale kuwaasoo u baahan dawo iyo cunno, iyadoo xusay inay dadka qaarkood u geeriyoodeen gaaj.

“Waxaan ka xunnahay in dowladdu ay meelo fog-fog geyso raashiin sida Bay, Bakool, Shabeellada Hoose iyo Shabeellada Dhexe, balse aysan weli wax gargaar ah geyn degmooyinka gobolka Hiiraan,” ayay shirkoodan ku sheegeen wakiillada reer Hiiraan.

Shirkan ayaa xubnihii ka qaybgalay waxaa ka mid ahaa; Cabdi Cabdullaahi Xaashi Seed (Cabdi-yare), Col. Maxamed Faarax Caliyoow, Col. Maxamed Cali Amiir, Warsame Jirde, Col. Aadan Caddoow, Xasan Cali Diini iyo Injineer Caddoow.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya