Hiiraan Online
12/25/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Jimco, Dec 26, 2014
Puntland oo cambaareysey weerarkii Al-shabab ku qaaday saldhiga AMISOM
Jimce, December 26, 2014 (HOL) —Dowlada Puntland ayaa cambaareysey weerarkii shalay Al-shabaab ku qaaday saldhigga ciidamada AMISOM ee magaalada Muqdisho.
War-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Garoowe ayaa lagu cambaareeyey weerarkaas, waxaa sidoo kale lagu ammaanay qaabkii ciidanka AMISOM isaga difaaceen kooxdii weerarka soo qaadey.
"Dawladda Puntland ee Soomaaliya waxay si buuxda u canbaaraynaysaa duulaankii ay ku qaadeen kooxda nabad-diidka ah ee Ururka-Alshaab xarunta ciidmada Amisom ee deegaanka xalane sidoo kale Dawladda Puntland waxay ku amaaneysaa sida geesinimadda leh ee ay iskaga caabiyeen ciidamada Amisom iyo ciidanka Soomaaliya ismiidaamintii iyo qaraxyadii ay kusoo qaadeey maleeshiyada alshabaab" war-saxaafadeedka ayaa sidaas lagu yiri.
Dhanka kale waxaa war-saxaafadeedka tacsi loogu direy ehelada dhammaan dadkii weerarkaas lagu diley iyadoo kuwa dhaawacu soo gaareyna loo rajeeyey caafimaad deg deg ah.
Weerarkii shalay lagu qaaday xerada Xalane oo iyadu ah saldhigga ugu weyn taliska ciidamada AMISOM ee jooga Soomaaliya, waxaa lagu diley sagaal qof oo isugu jirey xubnihii weerarka soo qaaday, askar iyo dad rayid ah.
Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya