1/6/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 18, 2014
SHARMA’ARKE: Sida ugu dhaqso badan ayaan kusoo dhisi doonaa Xukuumad


Khamiis, December 18, 2014 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Somalia, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke oo ah ra’iisul wasaarihii saddexaad oo uu soo magacaabo laba sano gudahood madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan uu kusoo dhisayo xukuumad tayo leh.

Sharma’arke oo ka hadlay munaasabada lagu magacaabayay oo shalay ka dhacday xarunta madaxtooyada Somalia ayaa sheegay inay si wanaagsan u wada shaqeyn doonaan isaga iyo madaxweynaha Somalia si loo dhameystiro howlaha horyaalla dowladda.

“Waxaa halkan ka ballan-qaadayaa in madaxweynaha aan ula shaqeyn doono si ay ku jirto muwaafaqo iyo wada-tashi, kalsoonida ummaddana aan kor u qaadno; amniga dalkana aan gaarsiino heer dadka Soomaaliyeed ay jecelaystaan,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha cusub.

Sidoo kale, ra’iisul wasaaraha cusub ee Somalia ayaa intaas ku daray; “Sida ugu dhaqsiyo badan ayaan kusoo dhisi doonaa Xukuumad, anigoo dhismaha xukuumaddana kala tashan doona madaxweynaha Somalia iyo xubnaha kale ee dalka, sida goddoonka baarlamaanka, xildhibaannada iyo shacabka si loo helo dowlad dadka iyo dalka u shaqeysa, maadaama uu xilli yar haray.”

Cumar C/rashiid ayaa ka codsaday baarlamaanka inuu ka gacan siinyo si ay howsha ugu fududaato, isagoo intaas raaciyay inuu dhawaan soo bandhigayo qorshaha ay ku shaqeyn doonto xukuumaddiisa.

Si kastaba ha ahaatee, madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh ayaa shalay u magacaabay ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid oo intii ay jireen dowladihii KMG-ka ahaa ee dalka soo maray soo noqday ra’iisul wasaare, inkastoo uu isku casilay khilaaf soo dhexgalay isaga iyo madaxweynihii xilligaas Sh. Shariif Sheekh Axmed.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya