4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 14, 2014
DHUXULOOW: Hay’adaha Gar-gaarku Waa in ay Mudnaan Siiyaan Soomaaliya


Axad, December 14, 2014 (HOL) — Sii-hayaha xilka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, Mustaf Sh. Cali Dhuxulow oo caawa gaaray dalka Kuwait oo uu uga qayb-galayo kulanka caalamiga ah ee looga hadlayo doorka hay’adaha gargaarka caalamka.

Dhuxuloow ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Kuwait kusoo dhoweeyey la-taliyaha sare ee amiirka Kuwait, Cabdalla Al-Matouq iyo safiirka Somalia u fadhiya Kuwait, C/qaadir Amiin Sheekh.

“Hay’adaha gargaarka caalamku waa inay Soomaaliya mudnaan weyn siiyaan,” ayuu yiri Dhuxuloow, iyadoo arrimaha shirka looga hadlayo ay ugu waaweyn yihiin sidii hay’adaha gargaarka caalamku ay uga wada-shaqeyn lahaayeen in gargaarka noqondo mid bedela nolosha bani’aadamka, si looga hortago abaaro soo laalaabta.

Sidoo kale, shirka ayaa diiradda lagu saari doonaa doorka haweenka looga qayb-galinayo mashaariicda gargaarka, bacdamaa ay hooyooyinka muhiim u yihiin isku-xirka bulshada.

“Dalkeenna Soomaaliya wuxuu tusaale u noqon karaa caalamka, bacdamaa dumarka ay kaalin weyn ka qaataan ganacsiga Somalia, iyo hay’adaha gar-gaarka. Waxaan hubaa haddii haweenka Soomaaliyeed fursad la siiyo inay door-weyn ka qaadan karaan sidii haweenka caalamka loogu dhiirri-gelin lahaa inay door wanaagsan ka qaataan horumarka bulshooyinkooda,” ayuu hadalkiisa kusoo af-meeray Dhuxuloow.

Shirkan ayaa kusoo beegmaya xilli qaybo ka mid ah Soomaaliya ay abaaro ka taagan yihiin iyo iyadoo Qaramada Midoobay ay dhawaan dalbatay lacag fara badan oo si ay wax uga qabato abaaraha ka taagan Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya