4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 14, 2014
Howlgallo boqollaal Dhallinyaro ah lagu soo Qabtay Muqdisho laga Sameeyay

Axad, December 14, 2014 (HOL) — Howlgallo Muqdisho laga sameeyay ayaa lagu soo qabqabtay 228 oo qof oo dhallinyaro ah, kuwaasoo guryahooda ay ciidamadii howlgalka sameynayay.

Howlgalkan ayay saraakiisha hay’adaha amnigu ku sheegeen inuu qayb ka yahay howlo lagu adkeynayo ammaanka guud ee Muqdisho, iyadoo intaas ku daray inay sii daayeen qaar ka mid ah dadkii lasoo qabqabtay.

Degmada Xamarweyne ayaa howlgalkan laga sameeyay, iyadoo ay qaar ka mid ah dadka degmadaas ku nool ay sheegeen in ciidamadu ay guryaha oo dhan baarayeen, ayna kala soo baxeen dad dhallinyaro u badan.

Intii uu howlgalku socday ayaa wuxuu saameyn ku yeeshay dhaq-dhaqaaqii ganacsi ee degmadaas, waxaana uu si guud ah u saameeyay afarta waaxood ee ay ka kooban tahay degmada Xamar-weyne ee gobolka Banaadir.

Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Somalia ayaa howlgalkan si wadajir ah u sameeyay, iyadoo saraakiisha hoggaaminayay howlgalkan ay sheegeen inay heleen xogo ku saabsan xubno Al-shabaab ka tirsan oo degmadaas soo galay.

Afhayeenka booliiska Somalia, Col. Qaasim Axmed Rooble oo howlgalkan ka hadlay ayaa sheegay inuu ahaa mid lagu xaqiijinayay ammaanka, isagoo ku daray intaas 228 ruux oo ay ku qabteen howlgalka ay kala hareen 30 qof oo uu sheegay inay ku tuhmeen inay xiriir la leeyihiin Al-shabaab.

Degmada Xamar-weyne oo howlgalka laga sameeyay ayaa waxaa dhowr jeer ooh ore lagu weeraray xildhibaannno qaarkood la dilay, iyadoo uu kusoo beegmayo howlgalkan xilli toddobaad ka hor lagu dhaawacay mid ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka, laguna dilay xildhibaan hore oo la socday.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya