4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 14, 2014
Barnaamijka Dariseynta oo Hir-gelintiisa laga billaabay Muqdisho (SAWIRRO)


Axad, December 14, 2014 (HOL) — Guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab) ayaa maanta daah-furay barnaamijka dariseynta degmooyinka gobolka Banaadir, kaasoo laga billaabay isla maanta degmada Waaberi.

Barnaamijkan ayaa ujeedadiisu tahay tirakoobka dadka ku nool xaafadaha Muqdisho, isla markaana lagu xaqiijinayo ammaanka, si loo ogaado degmo kasta guryaha ku yaala iyo shacabka ku nool.

Munaasabadda daah-furka barnaamijkan oo ka dhacday xarunta degmada Waabari ayaa waxaa ka qayb-galay guddoomiyaha degmooyinka gobolka Banaadir, taliyaha booliska Muqdisho, afhayeenka maamulka Gobolka iyo xubno kale.

Agaasimaha waaxda dariseynta gobolka Banaadir, C/xakiin Maxamed Haadu ayaa sheegay in barnaamijkan uu wax weyn ka bedeli doono amniga guud ee caasimadda, isla markaana lagu ogaanayo tira-koobka shacabka ku nool xaafadaha Muqdisho.

Sidoo kale, guddoomiyaha degmada Waabari, Axmed Muumin Axmed ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo in degmadiisu ay noqotay tii ugu horreysay oo nasiib u yeelata in laga billaabo barnaamijka dariseynta.

Taliyaha booliiska gobolka Banaadir, Maxamed Cumar Madaale ayaa isagana ka sheegay munaasabadda in ujeeddada barnaamijkaan uu yahay sidii lagu xasilin lahaa caasimadda, isagoo intaa ku daray in maamulka gobolka ay la shaqeyn doonaan si howshan ay u hirgasho.

Duqa Muqdisho Xasan Muun-gaab oo furay barnaamijka ayaa tirakoobkii ugu horreeyay ee laga sameeyay Muqdisho ka billaabay Waabari, isagoo gurigii uug horreeyay ku qoray buug loogu talo-galay tirakoobka degmooyinka, kaa oo lagu qoray magacyada dadka deggen gurigaas iyo inta ruux ee ay yihiin, iyadoo barnaamijkan uu noqonayo kii ugu horreeyay oo Muqdisho laga hir-geliyo.

Barnaamijkan ayaa waxaa loo tababaray kooxo dhallinyaro ah oo sameynaya dariseynta Muqdisho, waxayna u sameyn doontaan guri-guri, iyadoo dadka ka buuxin doona qoraallo loogu talo-galay tirakoobka guryaha iyo shacabka Muqdisho ku nool.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya