4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 14, 2014
SAWIRRO: Muqdisho oo dib ugu soo Noqonaysa sidii ay ahayd 23-sano ka hor


Axad, December 14, 2014 (HOL) — Magaalada Muqdisho ayaa muddo 23-sanadood ah oo ay colaado bur-buriyay ka socdeen waxay u muuqataa Muqdisho hadda mid dhibaataadii gaartay kazoo kabanaysa kuna soo laabanaysa sidii hore ee ay ahaan jirtay, iyadoo ay soo kordhayaan dhismayaasha cusub ee caasimadda laga hirgelinayo iyo in dib loo soo celiyo adeegyadii bulshada sida kaalimaha gaadiidku ay shidaalka ka qaataan.

Shacabkii Soomaaliyeed ee dibadaha dalka u cararay markii dagaalladu qarxeen 1991-kii iyo wixii ka dambeeyay ayaa billlaabay inay dib ugu soo laabtaan Muqdisho, iyagoo ku sameysanaya maal-gashiyo kala duwan.

Dhismayaal cusub ayaa meel walba oo magaalada ah ka socda, iyadoo xilliga habeenkii ah ay dadweyne badan magaalada ku sugan yihiin, taasoo bedel u ah in dadku ay xaroon-jireen marka la gaaro qorrax-dhaca, waxaaa arrintan ay yididiilo badan gelisay Soomaalida gudaha iyo dibadaha dalka ku nool.

Isbedelka Muqdisho ka socda ayaa waxaa ka mid ah gaadiidka sida gaarka ah loo wato ay magaalada kusoo kordhayaan; kuwaasoo aad ku arkayso in ay shidaalka ka qaadanayaan kaalimaha laga hirgeliyay Muqdisho; kuwaasoo aan jirin xilliyadii colaaduhu socdeen.

Sidoo kale, waxaa magaalada Muqdisho markii ugu horreysay ka howlgalay mootooyin saddex lugood leh, kuwaasoo shacabku ay qiimo aad u jaban ku raacaan, iyadoo weli lagu arkayo shidaal caagag ku jira oo hareeraha jidadka waaweyn ee caasimadda lagu iibiyo, inkastoo maamulka gobolka uu horay u soo saaray amar lagu mamnuucayo shidaalka caagaga ku jira, kuwaasoo ay sheegeen inay ka dhashaan mararka qaarkood dab dhibaato badan geysta.

Bulshada ku nool caasimadda oo malaayiin qof ah ayaa si isku mid ah u soo dhaweeynaya isbedelka muuqda, inkastoo ay mararka qaarkood caasimadda Somalia ka dhacaan dilal qorsheysan oo ay fulinayaan kooxo hubeysan iyo qaraxyo kala duwan oo ay dad badan ku naf-waayaan.

Madaxda dowladda Somalia ayaa bogaadiyay isbedelka ka jira Muqdisho iyagoo sheegay in tani ay qayb weyn ka qaadanayso dib u soo noolashaha dowladnimadii Soomaaliya.

Shirkado Turki ah ayaa ka howlgala caasimadda Somalia kuwaasoo dadaal ugu jirta sidii ay dib ugu sameyn lahaayeen waddooyinka burbursan iyo in ay dhisaan isbitaalladii dagaallada ku burburay.

Isbitaalka Difgeer oo ka mid ah isbitaallada qadiimka ah ee Muqisho ayay Turkigu dib u dhis ballaaran ku sameyeen, iyadoo sheegtay inay sheegay inuu noqon doono midka ugu casrisan waddamada geeska Afrika ku yaalla.

Waxyaabaha muuqaalkii hore ee caasimadda Somalia bedelay ayaa waxaa ka mid ah nalal habeenkii ifaya, kuwaasoo la geliyay waddooyinka Muqdisho qaarkood, waxaana ifkan uu bedelay mugdigii magaalada ka jiray 22-kii sano ee lasoo dhaafay, iyadoo ganacsatadana u sahashay inay xilliyo dambe oo habeenkii ah shaqeystaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya