4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 14, 2014
Dagaallo Khasaare Sababay oo ka dhacay Deegaanno Hoos-taga Gobolka Bay

Axad, December 14, 2014 (HOL) — Deegaan lagu magacaabo Buulo-galoole oo ka tirsan degmada Baydhabo ee gobolka Bay una jirta 45-km ayaa wuxuu dagaal ku dhex-maray malleeshiyooyin kasoo jeeda beelaha deegaanka.

Iska-horimaadkan kooxahan ayaa la sheegay inay isaga gudbeen guryihii ku yaalla deegaanka, iyadoo dhaawacyo ka dhashay dagaalka lasoo gaarsiiyay Baydhabo, kuwaasoo tiradoodu ahayd shan qof.

Beelahan ayaa dagaalka isaga dilay sided qof, mana jirto wax Isgaarsiin ah oo deegaannada lagu dagaalamay ka jirta, iyadoo aysan jirin cid ku baxday joojinta colaadda oo ay wararka qaarkood sheegayaan inay sii xoogeysanayso.

Deegaannada ay dagaalladu ka socdaan ayaa waxaa ka talisa Xarakada Al-shabaab, iyadoo waxgaradka labadan beelood ay ku sugan yihiin degmada Baydhabo, waxaana adag inay aadaan goobta si ay u joojiyaan colaadda.

Sidoo kale odayaasha-dhaqan Koonfur-galbeed Soomaaliya ayaa waxaa u socda shir ku saabsan sidii lagu joojin lahaa colaaddan, iyagoo Baydhabo ka diray baaq xabadda lagu joojinayo.

Hiiraan Online, Baydhabo