4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 14, 2014
Guddoomiyaha gobolka Galguduud oo sheegay inay diyaar u yihiin wadahadal

Axad, December 14, 2014 (HOL) — Guddoomiyaha dowladd Soomaaliya ee gobolka Gal-guduud, Xuseen Cali Wehliye Cirfo ayaa maanta sheegay in dhankooda ay diyaar u yihiin wadahadal, si loo dambiyo colaadda ka taagan qaybo ka mid ah gobolkaas.

Xuseen Cirfo oo saakay shir jaraa’id ku qabtay degmada Dhuuso-mareeb ayaa sheegay in xalaadda degmooyinkii labadii maalmood ee lasoo dhaafay lagu dagaalamay ay yihiin kuwo xasilloon oo aysan wax dhibaato ah ka jirin.

“Waan ka xunnahay wixii dhacay labadii maalmood ee lasoo dhaafay, hadda gobolku waa nabad, dhibaatooyinna kama jiraan. Dhankeena waxaan diyaar u nahay in nabad iyo wadahadal lagu dhameeyo colaadda,” ayuu Cirfo ku yiri shirkiisa jaraa’id.

Sidoo kale, guddoomiyaha ayaa beeniyay warar qaar ka mid ah saraakiisha Ahlusunna ee gobollada dhexe ay warbaahinta qaarkeed kazoo xigtay kuwaasoo ahaa in ay xiran yihiin garoommada diyaaradaha gobolka Galguduud oo aan laga soo degi karin.

“Dhanka kale waxaa jiray warar illaa maanta la isla dhexmarayay oo ahaa inay xiran yihiin garoommada ku yaalla gobolka Galguduud, taasi ma jirto waa been aan sal iyo raad lahayn, garoommaduna way shaqeynayaan,” ayuu hadalkiisa ku daray Cirfo.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha gobolka Galguduud ee dowladda Somalia wuxuu ku baaqay in colaad dambe aan lagu soo celin gobolka, isagoo xusay in dagaal uusan wax faa’iido lahayn, wixii dhacayna nabad lagu dhameeyo.

Si kastaba ha ahaatee, hadalka guddoomiyaha Galguduud ayaa imaanaya xilli shalay iyo dorraad ay dagaallo khasaare badan dhaliyay ku dhexmareen kooxo hubeysan oo la sheegay inay dowladda iyo Ahlusunna kala taageersan yihiin degmooyinka Guriceel iyo Dhuuso-mareeb.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya