4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 14, 2014
Xeer Ilaaliyaha guud oo sheegay in in hay'ado badan lagu helay Musuq-maasuq (DHAGEYSO)

Axad, December 14, 2014 (HOL) — Xeer-ilaaliyaha Guud iyo Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka oo maanta hortagay baarlamaanka Somalia, iyagoo uga jawaabay su’aalo kala duwan oo ay xildhibaannadu ka weydiiyeen howlaha labada xafiis ee ay maamulaan iyo warqaddii ay dhawaan wadajirka u soo saareen.

Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Axmed Cali Daahir ayaa sheegay inay hayaan caddeymo muujinaya musuq-maasuq baahsan oo ay hay’adaha kala duwan ee dowladdu ku kaceen, kuwaasoo uu xusay inay maxkamadda hor-geynayaan.

“Waxaan idiin sheegayaa in 19-ka wasaaradood iyo saddex hay’ad oo kale oo ah 22-ka hay’adood ee dowladdeenna mid aan musuq-maasuq baahsan oo xadka ka baxsan oo aanan ku helin ma jirto, maxkamadda ayaana hor-geynaynaa, iyadaana la dhageysanayaa. Maxkamadda ayaana caddeynaysa inay dambiilayaal yihiin iyo in kale,” ayuu yiri Xeer-ilaaliyaha Guud oo ka jawaabayay su’aal ay xildhibaannadu weydiiyeen.

Isagoo sii hadlaya ayuu xeer ilaaliyuhu intaas ku daray inay jiraan wasaarado kale oo ay ku socoto baaritaanno, isagoo ku eedeeyay hay'adaha dowladda qaarkood ku takri-fal dhinaca awoodda ah iyo wax-is-daba-marin, isagoo xusay in haddii ay doonayaan xildhibaannada inay u sheegaan magacyada hay'adaha ay soo dhameystireen baaritaannadooda ay diyaar u yihiin iyaguna inay u sheegaan.

DHAGEYSO: Jawaabihii Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka

Sidoo kale, xeer ilaaliyaha oo ka jawaabayay su’aal kale oo ahayd in raalli-gelin uu ka bixiyo qoraal ay dhawaan soo saareen ayaa wuxuu sheegay inuu u mahadcelinayo xildhibaannada su’aashaas weydiiyay, balse wuxuu xusay in howshiisa oo uu qabsado uusan raalli-gelin ka bixinayn.

“Awoodda uu sharcigu i siiyay oo ah inaan sameeyn karo baaris, ka-hortag, ka daba-tag, dhameystir iyo eedeyn ku kooban inaan xaqiijiyo raalli-gelin kama bixinayo,” ayuu yiri Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir. isagoo intaas ku daray. “Haddii ay jirto gef aan qof u geystay ama xildhibaan aan u gefay, taas raalli-gelin ayaan ka bixinayaa. Waadna mahadsan tihiin.”

Dhanka kale, Hanti-dhowrka guud ee dalka Nuur Jimcaale Faarax oo isna xildhibaannada ka hor hadlay ayaa tilmaamay in isaga iyo howlwadeennada howsha ay kala dhexeyso inay dalkan si daacadnimo ah ugu shaqeeyaan.

“Wadankeenna waad la socotaan meesha ugu hooseysa ee musuq-maasuqa ayuu taagan yahay. Aniga ka Hanti-dhowr ahaan iyo inta ila shaqeysa waxaa xil naga saaran yahay in marxaladda taagan aan wax ka bedelno, si aan wax uga bedelnana garab ayaan idin kaga baahannahay. Siyaasadaha waddanka wax shaqo ah kuma lihin, inaan meel dhexe taagannahayna waxaa caddeyn u ah miisaaniyadda la idiin soo gudbiyay dhaqaalaha nalooga qoondeeyay inta uu le’eg yahay,” ayuu yiri Hanti-dhowrka guud oo ka jawaabayay su’aal ay xildhibaannadu weydiiyeen oo ahayd in qoraalkii ay wadajirka xafiiskiisa iyo kan Xeer-ilaaliyuhu u soo saareen inay ahayd mid siyaasadeysan.

Hanti-dhowrka guud oo sii hadlayay ayaa sheegay in miisaaniyadda xafiiska Hanti-dhowrka loo qoondeeyay inay tahay mid aad u yar oo aanay afar bi loo keliya ku shaqeyn karin, iyadoo loogu talogalay inay ku shaqeeyaan hal sano.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shalay u yeeray xeer-ilaaliyaha iyo Hanti-dhowrka guud ee Qaranka, si su’aalo looga weydiiyo howlaha xafiisyadooda ay hayaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya