4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 14, 2014
Axmed Madoobe oo Kismaayo ku qaabilay Wufuud ka socotay IGAD iyo EU-da
Axad, December 14, 2014 (HOL) —Wafdi uu horkacayo madaxweeynaha maamulka Jubba Sheekh Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee maamulka Jubba, iyadoo Madaxweeynaha uu mudo dheer safar ugu maqnaa dibadda.

Saaka aroortii ayaa waxa magaalada Kismaayo lagu soo rogay bandow, iyadoo gabi ahaanba ay istaageen dhaqdhaqaaqyadii ganacsiga iyo weliba isu socodkii gaadiidka, waxaana wadooyinka magaalada lagu arkayay ciidamo dadka iyo gaadiidka u diidaya isticmaalka wadada dheer ee xiriirisaa xarunta madaxtooyada iyo weliba Garoonka diyaaradaha Kismaayo.

Madaxweeynaha ayaa markii uu kasoo dagay garoonka, waxaa halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyay madax ka tirsan maamulka Jubba, Ururrada dhalinyarada, haweenka iyo guud ahaan qeybaha kala duwanb ee bulshada ku dhaqan magaalada Kismaayo.

Madaxweeynaha ayaa gudaha garoonka ku qaabilay wafdi ka socday Midowga Yurub iyo IGAD, kaasoo uu horkacayay wakiilka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Mr. Michele Cervone, iyadoo ay wehlinayeen danjireyaasha dowladaha UK, Italy, Sweden, Itoobiya iyo weliba wakiillo ka socday urur goboleedka IGAD, ayadoo kullamada ay yeesheen ay dibad joog ka ahayd saxaafadda.

Markii ay kulamadu soo dhamaadeen ayaa waxaa si wadajir ah warbaahinta ula hadlay madaxweeynaha maamulka Jubba Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe) iyo weliba wakiilka Midowlga Yurub u qaabilsan arimaha Soomaaliya.

Madaxdani ayaa waxa ay warbaahinta u sheegeen in ay ka wada hadleen arimo ay kamid yihiin dhameystirka maamulka, la dagaalanka xoogagga Al-shabaab iyo weliba sidii loo dhaqan gelin lahaa mideynta ciidamada qaranka Soomaaliyeed.

Wafdigii ka socday Midowga Yurub iyo IGAD ayaa dib uga dhoofay garoonka Kismaayo, waxaana madaxweeynaha maamulka Jubba loo soo gelbiyay xarunta madaxtooyada ee magaalada Kismaayo.

.................
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.