4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 14, 2014
WASIIRKA BOOSTADA: "Amniga Somaliland Xukuumada ayaa Mas’uul ka ah"

Axad, December 14, 2014 (HOL) — Wasiirka Boosaha iyo Isgaarsiinta SL Max'ed Jaamac Abgaal ayaa sheegay inay meel fiican u marayso wax ka qabashadda Suldaan Abubokar Wabar oo reer Awdal ah  oo dhowaan sheegay inuu xukuumadda Somaliland dagaal la gali doonno mar haddii ay wax ka qaban wayday cabashaddii beeshiisa.

Sidaas waxa uu ka sheegay shirjaraa’id oo uu ku qabtay magaaladda Boorama, waxaanu sheegay in nabaddu tahay shay muhiim ah oo u baahan in dhinac walba laga ilaaliyo, isagoo suldaanka Wabarna usoo jeediyey inuu qaabka uu u dhaqmayo Suldaankiisa ku noqonayn.

“Waxaan gobolka u nimid inaan wax ka qabanno dhawaaqqii kasoo yeedhay Suldaan Abubakor Wabar,arrimahaasna meel fiican ayey noo marayaan, iyadoo hore gobolka uga jireen hogaan salaadiin ah meel wanaagsan  ay isla marayeen xukuumadda  iyo  odayaasha dhaqanku oo cabashooyinka khuseeya  ayaa dhawaaqaasi kasoo yeedhay suldaanka”ayuu yidhi wasiir Boosaha iyo Isgaadhsiinta Maxamed Jaamac Abgaal oo sheegay in suldaankaasi ay isku deegaan ka soo wada jeedaan.

Waxaanu intaas kudaray “ Midi  gorgortn malaha amniga xukuumadda ayaa ka masuul ka qofqof iyo ka ciidan ahaanba ,waxan odhan lahaa dadka debedaha jooga ama halkan jooga ,waxay culeys nalagu saaray annagoon xilba haynin in la yidhaa hogaan samaysta ,midooba ,waxna  sidaa ku doonta ugaasbaan kasoo bilownay ,dhibaato ayaa naga dhex dhici gaadhay hogaan dhaqan samaynay golihii kalsoonidii ayey ku hawlgaleen, dood qaranbaa la galay  ,waa markii u horreysy ee la dhegeystay dadka gobolka, waana dawladdu u horeysay ee dhegeysata awalba way jireen cabashooyinkii”.

Wasiirku waxa uu sheegay in cabashadda madax dhaqameedka Awdal u gudbiyeen madaxweynaha uu markiiba madaxweynuhu guddi wasiira  ah oo ka soo tallo bixiya siday wax u jiraan u saaray kuwaas oo 21 kalfadhi yeeshay, isla markaana ku hawlan daraaseynta cabashaddii madax dhaqameedka Awdal, isagoo arintasi ka hadlaya waxa uu yidhi “madaxweynuhu toddoba wasiir ayuu u saaray ,anaa ka mid ah 21 kalfadhi ayaan yeelannay , xaqoodiibaa la raadinayey anaa wasiir ka ah , arrinkaasoo halkaa yaalla oo madaxweynaha horyaalla ayaa  dhawaqaasi kasoo yeedhay suldaanku  waa oof wareen ,wuxuna oofwareen ku yahay oo kale shirka  gedebuursi u ballansanaa”

Si kastaba ha ahaatee, Suldaan Wabar ayaa dhowaan sheegay in cabashaddii madaxweynaha u gudbiyeen uu wax ka qaban waayey, sidaa darteed uu dagaal la galayo xukuumadda, taas bedelkeena waxa xukuumadu ciidan ku saartay suldaanka si loo soo qabto, haseyeeshee ilaa hadda lama soo qaban, isagoo la sheegay inuu ku dhuumanayo xadka Somaliland iyo Itoobiya udhexeeya.

Sidoo kale, warar qaar ayaa sheegay in dhalinyaro iyo xildhibaanno golaha deegaanka Booramme oo isku dayey inay mudaharaad ka dhan ah xukuumadda  dhigeen uu ciidanka Amnigu cabsiga u taxaabay.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland