4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 14, 2014
Madaxweynaha Puntland iyo wafdi uu Hoggaaminayo oo ambabaxay Itoobiya

Axad, December 14, 2014 (HOL)- Magaalada Garoowe waxaa maanta ka duulay wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Wafdiga oo xubno golaha wasiirrada ka tirsani ku jireen wuxuu socdaalkoodu ku wajahnaa xarunta dalka Itoobiya ee Addis Ababa.

Madaxweyne Gaas oo garoonka dhexdiisa warbaahinta kula hadlay ayaa ka warbixiyey ujeedada socdaalka uu xilligan dalka Itoobiya ugu baxayo.

Wuxuuna sheegay inuu halkaas kulamo kula soo qaadan doono mas'uuliyiin ka tisan dowlada Itoobiya iyo weliba diblumaasiyiin ka soca beesha caalamka.

Arimaha ugu muhiimsan ee uu kala soo hadli doono isagoo sharaxayey wuxuu sheegay inay kamid yihiin: xoojinta xiriirka Itoobiya iyo Puntland iyo weliba sidii labada dhinac iskaashi uga sameysan lahaayeen dhinacyada ammaanka iyo dhaqaalaha.

"maanta waxan u dhoofayaa Addis Ababa oo aan ku maqnaan doono saddex beri...waxan u tegayaa arimo ku saabsan xiriirka Itoobiya iyo Puntland, arimaha ammaanka, la-dagaalanka xagjirnimada iyo iskaashiga dhaqaalaha" Gaas ayaa sidaas yiri.

Waa markii labaad oo muddo lixdan beri gudahood ah Cabdiweli Gaas socdaal shaqo ku tago dalka Itoobiya.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya