4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 14, 2014
Cumar Xasan Al-bashir oo guul weyn ku tilmaamey go'aanka maxkamada ICC
Axad, December 14, 2014 (HOL)- Kadib markii shalay maxkamadda caalamiga ah ee ICC joojisey baarista dembiyadii dagaalka ee laga geystey gobolka Darfur ee dalka Sudan, ayaa waxaa go'aankaas si kal iyo laab ah usoo dhoweeyey Madaxweynaha Sudan Cumar Xasan Al-bashiir.

Guul usoo hoyatey dalka iyo dowladda Sudan ayuu ku tilmaamay isagoo sheegay in la maja xaabiyey lugooyadii maxkamadda ICC waa sida Al-bashiir hadalka u dhigaye.

Sanadkii 2009 ayey ahayd markii maxkamada caalamiga ah ee Hague xarunteedu tahay kusoo eedeeysey Madaxweynaha Sudan inuu qayb ka ahaa dembiyo dagaal oo laga geystey gobolka Darfur.

Fatou Bensouda oo ah dacwad oogaha maxkamada ayaa shalay oo Sabti ahayd ku dhawaaqday inay joojisey baaritaankii lagu waday dambiyadii dagaalka ee laga geystey gobolka Darfur.

Sababta ay tallaabadaas u qaadey iyadoo sharaxaysa waxay ku micneysey inay salka ku hayso kadib markii Golaha Ammaanka ee Qaramaa Midoobay ka gaabsaday inuu arrinta soo farageliyo islamarkaana eedeysaneyaasha ku cadaadiyo inay maxkamadda kasoo hor muuqdaan.

Bishan December 6deedii ayey ahayd markii sidan oo kale dacwad oogaha maxkamada ICC u laashay eedaymihii loo haystey Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo isaga horay loogu soo eedeeyey dembiyo ka dhan ah xuquuqul insaanka oo dhacay kadib doorashadii lagu murmay ee 2007.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya