4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 14, 2014
Ururka Al-shabaab oo weeraray deegaan ka tirsan gobolka Shabeelada Dhexe

Axad, December 14, 2014 (HOL) — Xoogag taabacsan Al-shababa ayaa xalay weerar ku qaaday fariisimo ay ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM ku leeyihiin Raage-ceelle oo ka mid ah deegaannada gobolka Shabeellada Dhexe.

Wararka laga helayo Raage-ceelle ayaa sheegaya in dagaalku uu ahaa mid xooggan oo muddo socday, ayna ku dhinteen inta la ogyahay afar ruux oo ka tirsan dhinacyadii dagaalamay.

“Dagaal ayaa xalay deegaanka ka dhacay, Al-shabaab ayaa soo weerartay fariisimo ay ciidamadu ku lahaayeen Raage-ceelle, afar qof ayaa labada dhinac ka geeriyooday,” ayuu yiri mid ka mid ah shacabka ku nool Raage-ceelle oo warbaahinta la hadlay.

Goobjoogaha ayaa intaas ku daray in weerarkan uu qayb ka noqonayo dhowr weerar oo ay Al-shabaab kusoo qaaday xilliyo habeen ah Raage-ceelle oo ka mid ah deegaannadii laga qasaday bilihii lasoo dhaafay.

Xaaladda deegaanka Raage-ceelle oo ka tirsan degmada Cadale ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa deggen haatan, iyadoo xoogaggii Al-shabaab ee weerarka ku qaaday ay isla xalay isaga tageen halkaas.

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa gacanta ku haya deegaanka oo shacab badan ay ku nool yihiin, waxaana saakay ay shacabku intooda badan hadal hayaan weerarkii xalay.

Dhanka kale, kooxo ka tirsan Al-shabaab ayaa xalay bambooyinka gacanta ku weeraray gaadiid ay wateen ciidamada dowladda Soomaaliya oo marayay bartamaha magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada Dhexe.

Iyadoo ciidamada amniga ee Jowhar ay weerarka kaddib qabqabteen dhowr qof oo ay uga shakisan yihiin inay weerarkaas ka dambeeyaan, waxaana inta badan gobolka Shabelllada Dhexe gacanta ku haya ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya